Wareega 2-aad ee horyaalka Soomaaliya oo furmay

Friday March 18, 2011 - 21:33:42
0 Comments
3556
Shaafici Muxyidiin
Wareega 2-aad ee horyaalka heerka 1-aad ee kubada cagta dalka Soomaaliya ayaa maanta oo jimco ah ka furmay magaalada Muqdisho kadib muddo todobaad ah oo nasasho lagu jiray, waxaana cayaartii maanta ay dhex martay Heegan iyo Banaadir telecom iyadoo 1-0 ay ku adkaatay Heegan.


Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta Saciid Maxamuud Nuur oo labada kooxood la hadlay ka hor intii aanay cayaartu bilaaban ayaa u sheegay in ay muujiyaan cayaar wanaag.

 

“Waxaad tihiin laba koox oo ad-adag sumcadna ku dhex leh bulshada Soomaaliyeed sidaa daraadeed waxaan idinka rabnaa in aad qancisaan taageerayaashiina wada shaqeyna u muujisaan garsoorayaasha”ayuu gudodomiye Siciid u sheegay labada kooxood.

 

Wareegii hore ee tartanka cayaar labadan kooxood yeesheen waa laga adkaaday Banaadir waxaana wiilasha Banaadir ay maanta doonayeen in ay iskasoo gudaan jabkii hore loo gaarsiiyay, laakin taasi ma dhicin oo mar kale ayaa gool iyo waxba looga adkaaday.

 

Markii cayaartu bilaabatay koox waliba waxaa ay weerar culus ku qaaday goolka kasoo hor jeeda waxaana taasi ay keentay in qeybtii hore ay ku dhamaato 0-0, laakin 4 daqiiqadood uun ka hor dhamaadka cayaarta qeybteedii dambe ayaa weeraryahanka Heegan Mahad Maxamed Axmed waxaa uu gool dhex dhigay shabaqa Banaadir Telecom oo taasina ay wiiqday rajadii ay ka qabtay in ay guul darradii hore iska meyrto.

 

Cayaartii galabta ayaa waxaa daawanayay madax sar sare oo ay ka mid ahaayeen guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Saciid Maxamuud Nuur, ku xigeenadiisa Cali Saciid Guuleed iyo cabdulaahi Abow xuseen, la taliyaha  ra’isulwasaaraha Soomaaliya cabdi Qani Cabdulaahi Hilwole (Jeenyo) iyo gudoomiyaha guddiga caafimaadka Isboortiga Soomaaliyeed Dr Cabdi Ibraahim Axmed (Jiya)

 

Saraakiil ka socotay waaxda caafimadka xiriirka kubada cagta iyo ururka bisha cas ayaa heegan ku ahaa garoonka si ay u caawiyaan cayaatoda dhaawacyadu gaaraan shaqadaas oo ay si joogto ah u qabanayeen tan iyo intii tartanku bilaabmay.

 

FG: HADII AAD DOONEYSID SAWIRADA CAYAARTA FADLAN GUJI LINKIGA HOOSE EE QEYBTA ENGLISH-KA EE WEBKA.

 

http://somsoccer.com/english/view.php?id=374

 

Sida ku muuqata shaxda hoose waxaa cayaartii galabta lagu bixiyay ganxyadan.

 

 

BANAADIR TELECOM

Name

Number

Date

Minute

Caution

Yusuf Ahmed Warsame

21

March 18

4th

Yellow

Abdi Naser Mohamed Nur

15

March 18

67th

R Card

 

HEEGAN

 

 

Name

Number

Date

Minute

Caution

Qasim Ali Mursal

5

March 18

12th

Yellow

 

 

 

Somali Football Media Department

+25250 930226 Office

+2521 600601 Fax

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment