Dekedaha iyo Heegan oo 0-0 ku kala tagay

Tuesday February 08, 2011 - 21:22:51
0 Comments
2160
Shaafici Muxyidiin
Iyadoo wareega hore ee horyaalka heerka 1aad ee kubada cagta dalka Soomaaliya uu galay todobaadkii 3-aad ayaa naadiyada Heegan iyo Dekeda Muqdisho midkoona uusan helin guushii uu haminayay cayaar adag oo manta dhex martay taas oo ku dhamaatay bar bar dhac 0-0 ah.


Labada kooxoodba waxaa ay lumiyeen fursado badan oo goolal ay ku heli kareen, inkastoo kooxda Dekedu ay aad uga fuusado badneyd kooxda Heegan ee horyaalka heerka 1-aad ku matalesa magaca ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Bar bar-dhicii Heegan ay maanta gashay waxaa ay uga dhigneyd  ‘guul darro’ sababtoo ah naadiga Heegan waxaa uu loolan xoogan kula jiraa labada naadi ee kala ah Elman iyo SITT. Sadexdan naadi ayaa hada ah kuwa ugu tunka weyn tartanka kooxaha heerka 1-aad ee dalka Soomaaliya waxaana mid waliba uu haminayaa in uu koobka ku guuleysto.

Hadii Heegan ay maanta guuleysan lahayd  waxaa ay urursan lahayd 9 dhibcood , laakin nasiibku uma saamixin in ay guul gaarto halka kooxda dekeda Muudisho ay iyana leedahay halka dhibic ee maanta ay bar bar dhacaas ku heshay.

Labada naadi ee kale ee Elman iyo SITT waxaa mid waliba ay soo cayaartay laba cayaarood waxaana ay leedahay 6  dhibcood, laakin khamiista ayay yeelan doonaan kulankoodii ugu horeeyay.

Kulakaas oo lagu qiyaasayo in uu noqdo kulankii ugu adkaa tan iyo intii horyaalku dib u furmay bishii lasoo dhaafay ayaa waxaa sidoo kale la filayaa in uu soo jiito taaageeyaal badan iyadoo hadaba magaalada Muqdisho ay kusoo qul qulayaan taageerayaal ka kala imaanaya gobalada dalka qaarkood si cayaartaa adag ay u daawadaan.

Intii ay socotay cayaartii galabta ayaa waxaa la bixiyay ganaaxyada hoos ku cad.

Heegan

Name

Number

Date

    Time

Caution

Deeq Abdullahi Nur

9

Feb 8

35th minute

Yellow

Ahmed Abdulkadir. Dayib

3

Feb 8

60th minute

Yellow

Qasim Ali Mursal

5

Feb 8

85th minute

Yellow

 

Mogadishu Port FC

Name

Number

Date

    Time

Caution

Ali Mohamed Awow

7

Feb 8

63rd minute

Yellow

Hassan Mahmoud Kulmiye

8

Feb 8

65th minute

Yellow

Ali Mohamed Awow

7

Feb 8

78th minute

R Card

 

Somali Football Media Department

+25250 930226 Telephone office

+252699 969815 Cell

+2521 600601 Fax

Email:somalifootballmediadepartment

 



Leave a comment