SITT o ku dur durisay Horseed

Wednesday January 26, 2011 - 09:38:24
0 Comments
3992
Shaafici Muxyidiin
Kooxda kubada cagta ee ay leedahay Shirkada Daalo Airliens ee SITT ayaa ku dur durisay kooxda Horseed ee raacsan ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed cayaar ka mid ahayd horyaalka heerka 1-aad ee Soomaaliya xilli cayaareedka 2010-2011 kana dhacday garoonka kulliyada Siyaasada.


Cayaartan oo dhacday shalay Salaasadii ayaa ahady cayaarta 3-aad ee horyaalka heerka 1-aad waxaana daawashadeeda kasoo qeyb galay masuuliyiin sar sare oo ay ka mid ahaayeen guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta Mudane Saciid Maxamuud Nuur, Xoghayaha Guud mudane Cabdi Qani Saciid Carab iyo abaan duulaha xooga dalka General Dhaga badan.

 

Qeybtii hore ee cayaarta ayaa ku dhamaatay bar bar dhac 0-0 ah, laakin markii qeybta dambe la iskusoo laabtay ayaa kooxda SITT ay lasoo baxday dar dar xoog leh, waxaana goolkii ugu horeeyay u dhaliyay cayaaryahan Maxamed Xasan Cali daqiiqadii 48-aad oo ahayd 3 daqiiqo kadib bilowgii qeybta labaad ee cayaarta.



 

Sidoo kale IIkar Daahir Amiin oo numberka 11-aad u xirta kooxda SITT ayaa goolkii labaad dhex dhigay shabada Horseed daqiiqadii 59-aad ee cayaarta, halka Maxamed Cabdi Nuur uu goolashii 3-aad iyo 4-aad u dhaliyay kooxdiisa daqiiqaadihii 75-aad iyo 82-aad.

 

Cayaarta ayaa waxaa garsoore ka ahaa garsoore caalami ah Nuur Maxamed Cabdulle halka ay caawinayeen Bashiir Colaad Carab iyo Xamza Xaaji Cabdi, waxaana garsooraha 4-aad ahaa Suleymaan Bashiir, iyadoo xeer ilaaliyana uu ka ahaa Saacid Axmed Abuukar oo hore garsoore caalami ah u ahaan jiray.

 

Sida ku cad jadwalka horyaalka Arbacada waa la nasanayaa waxaana maalinta khamiista ah ay kooxoda Supper Shell ku dhici doontaa kooxda  dekeda Muqdisho.

 

Intii cayaartu socotay ayaa waxaa laba cayaaryahan oo ka kala mid ah labada kooxood la siiyay calaamada digniinta ah ee Jaalaha loo yaqaano sida aad shaxda hoose ka arki kartid.

HORSEED

 

Name

Number

   Date                            

time

Caution

Bashir Aden Iman

16

 25 Jan

47th minute

Yellow

 

SITT

Name

Number

 Date

time

Caution

Baazi Mohamed Nur

2

25 Jan

61st

Yellow

 

 

Somali Football Media Department

+25250 930226 Office Telephone

+252699 969815 Cell

+2521 600601 Fax

 

Emails:somalifootballmedia@gmail.com

Leave a comment