Tartanka gobalada oo jimcaha dhamaanaya.

Tuesday December 28, 2010 - 12:19:57
0 Comments
2011
Shaafici Muxyidiin
Sida ku cad jadwalka cayaarata 18-aad ee kubada cagta dalka Soomaaliya oo ka soconaya magaalada Garowe ayaa lagu wadaa in ay dhaaadaan maalinta jimcaha ee inasooaadan oo bisha December-na ay tahay 31.


Shalay ayaa waxaa dhacday laba cayaarood oo aad u kul kululaa waxaana  cayaartii hore ee shalay ay xulka gobalka Bari 3-2 kaga badiyeen xulka dhigooda ah ee gobalka Bay oo sidaana cayaaraha kaga haray.

 

Cayaartii 2-aad ayaa waxaa ay dhex martay xulalka gobalada Jubada hoose iyo Shabeelaha dhexe waxaana 90-kii daqiiqadood ee caadiga ahayd ay kusoo idlaatay 0-0 waxaana rigooreyaal loo dhigay 4-2 ku adkaaday xulka gobalka jubada hoose.

 

“Waxaanu heysanaa 9 koob hadana waxaan aad ugu rajo weynahay I naan koobkana qaadno” sidaasi waxaa saxaafada u sheegay Janaale Axmed Janaale oo ka mida weeraryahanada xulka gobalka Jubada hoose.

 

Maanta ayaa cayaarta ugu horeysay ee semifinalka waxaa isku haleeli doona xulalka gobalada Banaadir iyo Ngaal, halka Barrina ay cayaari doonaan xulalka gobalada Jubada hoose iyo Bari.

 

Khamiista waa nasasho jimcaha subxa horena waxaa loo tartami doonaa kaalinta 3-aad halka galabta jimcahana ay dhici doonto cayaarta kama dambeysta ah.

 

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta Mudane Saciid Maxamuud Nuur Mukambe oo saaka saxaafada la hadlay ayaa sheegay in ilaa iyo hada wax dhibaato ahi ayan dhicin tartankuna uu si habsami leh u soconayo.

 

“Waa Allah mahadii, si wanaagsan ayaa wax noogu socdaan hadana gabagabo ayaan ku dhownahay”ayuu yiri guddoomiye Saciid oo sheegay in guul weyn ay tahay 22 sanadood kadib in la isu keeno boqolaal dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo dagaalada sokeeye awgood kala irdhoobay.

 

 Somali Football Media Department

 

+252699 969815 Cell

+25250 930226 Office

+2521 600601 Fax

 

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment