Tartanka Jaaliyada Soomaaliyeed ee Jidda oo soo gaaray Semifinal

Saturday September 08, 2012 - 16:32:34
0 Comments
2613
Shaafici Muxyidiin
Sida ku cadeyd jadwalka tartanka jaaliyada Soomaaliyeed ee magaaldea Jidda waxaa lagu balansanaa in wareega 8-da ee tartanka oo la hakiyay bishii Ramadaan uu bilowdo 07/09/2012, waxaana dib loo bilaabay shalay oo laba ka mida kooxaha ay u suuragashay inay usoo gudbaan semifinalka.


Laba ciyaarood ayaa la qabtay shalay waxaana ugu horeyn halkaasi fooda is darey Kooxaha kala ah Banaadir iyo Goley, halka sidoo kale kooxaha Jubba Airways iyo Blue stars ay wada cayaareen.

Hadii aan ku horeyno ciyaartii dhexmartey Kooxaha Banaadir iyo goley ka hor inta aysan ciyaartu bilaaban waxaa la saadaalinaayey in kooxda Goley wacdaro soo bandhigi doonta iyagoo wareega koowaad aheyd kooxaha laga baqo marka lala ciyaaraayo group –A- ayba kaalinta koowaad kaga soo baxdey laakiinse sidii loo filaayey uma dhicin ciyaarta ee waxaa iyana ciyaar iyo farsamo aan laga fileynin la soo baxday kooxda banaadir bilowga ilaa iyo dhamaadka ciyaartana ay hogaanka ciyaara ay iyada laheyd waxba yaanan hadalka kugu daaline waxaa 4 : 0 ay guusha ku raacdey Kooxda Banaadir .

Ciyaartii labaad oo ay dadweynuhu wada sugaayeen oo aheyd mid aan saadaal laga bixin Karin waxaa kuwada kulmey kooxda Jubba Airways iyo Kooxda Blue Stars waayo labada kooxood waxey ka mid yihiin kooxaha looga bartey ciyaar wanaag iyo Asluubta waxeyna halkaasi ku soo bandhigeen Ciyaar farsamadeedu aad u sareyso oo ay raali ka wada noqdeen dhamaan dadweynihii daawashada ciyaartaasi ka soo qeybgaley.

Bilowga ciyaarta ayaa waxey ku bilaabatey mid feejignaan ah labada kooxoodna ay kala baqaayeen wallow markii dambe ay is fahmeen ciyaaryahanada labada kooxood qeybtii hore waxaa ay kusoo gabgabowdey 1 : 1 . laakiinse markii leysugu soo laabtey qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa inamadii ku ciyaarayey kooxda jubba Airways farsamdii ciyaarta wax ka bedeleen una suurto gashey inay halkaasi ku dhaliyaan 3 gool oo darandoori ah ciyaartiina ka dhigey 4 : 1 oo ay kooxda jubba Airways ku hogaamineysay.

Kooxda blue Stars iyana kama niyad jabin ciyaarta dadaalkooda ayey halkaasi ka sii wadeen waxaana u suurto gahsey inay 2 gool oo darandoori ay halkaasi ka dhaliyaan waxeyna noqotey ciyaarta 4 : 3 laakiinse nasiib daro waxaa ku dhamaadey waqtigii ciyaarta loogu tala galey waxey kusoo gabgabowdey 4 : 3 oo ay guusha ku raacdey kooxda Jubba Airways.

Waxaanan la ilaawi Karin gool aad iyo aad u quruxbadnaa oo halkaasi ku dhaliyey Ciyaaryahan Xaajiyow oo dhamaan ka yaabiyey dadweynihii daawanaayey Ciyaartaasi waxaa la dhihi karaa labada kooxoodba kalama liidan oo koox la dhihi karo waa ay awood sareysey ma jirin nasiibka waa iska halkiisa ciyaaryanahadii halkaasi ka muuqdey waxaa ka mid ahaa Xaajiyow – Cusbo – Aweys Madey – Amiinow – Zakariye – Maxamed Cali – iyo Cali Suqle oo Jubba ahaa iyo Ciyaaryahanada Nambarada 9 – 10 – iyo Goolhayaha Kooxda Blue Stars oo iayana wacdaro halkaasi ka dhigey . tababarayaasha labada kooxood iyo labada Guddoomiye kooxeed oo iyana halkaasi ku soo bandhigeen ciyaaryahano tayadooda sareyso .

Hadaba labada kooxood ee Banaadir iyo Jubba Airways waxey usoo gudbeen Ciyaarta semi finalka .

Waxaana kormeereyayaal ka ahaa ciyaarahaasi Guddiga Maamulka ururka Kubbadda Cagta ee Jaaliyadda Soomaaliyeed Magaalada Jidda Boqortooyada Sacuudi Carabiya .

 

Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com

 

 

 



Leave a comment