Tartanka goballada oo soo gaaray Quarter finalka

Saturday December 25, 2010 - 22:39:38
0 Comments
1986
Shaafici Muxyidiin
Cayaaraha kubada cagta gobalada Soomaaliya oo haatan ka soconaya magaalada Garowe ee Puntland ayaa soo gaaray heer gabagabo ah, waxaana kulamadii ugu dambeeyay galabta yeeshay xulalka gobalada Bay VS Galgaduud iyo Jubada hoose VS Sanaag.

Cayaartii hore ee galabta ayaa waxaa ay dhex martay xulalka Bay iyo Galgaduud,waxaana cayaarta oo socota wax ka yar 10 daqiiqadood gool dusha loo saariyay xulka gobalka Galgaduud iyadoo qeybta hore ee cayaartuna ay ku dhamaatay 1-0 xulka galgaduud lagu hogaaminayay.

 

Laakin markii la iskusoo laabtay qeybtii dambe ayay xulka galgaduud lasoo if bexeen dar dar cusub oo sigeen dhowr gool laakin kuma guuleysan in ay shabaqa kasoo hor jeeda gool dhex dhigaan waxaana 90-kii daqiiqadood ay kusoo idlaatay 3-0 ay xulka gobalka Bay ku adkaadeen.

 

Dhanka kale cayaartii dambe ayaa dhex martay xulalka gobalada jubada hoose iyo Sanaag waxaana ay ahayd cayaar aad uga buuq badneyd cayaartii ka horeysay.

 


Cayaartan oo uu xeer Ilaaliye ka ahaa Cabdullaahi Abow Xuseen ayaa qeybteedii hore waxaa ay ku dhamaatay 1-1, waxaase markii la iskusoo laabaty qeybta dambe xulka gobalka jubada hoose u suuragashay in ay dhaliyaan 2 gool oo deg deg ah waxaana cayaartu ay ku dhamaatay 3-1 ay guushu ku raacday xulka gobalka jubada hoose.

 

Wareega 8-da ayaa waxaa usoo wada baxay goballada kala ah:

 

1-Nugaal, 2 Mudug, 3-Banaadir, 4-Hiiraan, 5-Bari, 6-Shabeelaha Dhexe,7-Bay iyo 8-jubada hoose.

 

Barri oo uu bilaabanayo wareega 8-da ayaa ayaa waxaa cayaata hore oo aad loo wada sugayo isku haleeli doona xulalka Nugaal oo marti loo yahay iyo  gobalka Mudug, halka cayaarta dambena ay isku haleeli doonaan xulalka Banaadir iyo Hiiraan.

 

 Somali Football Media Department

 

+252699 969815 Cell

+25250 930226 Office

+2521 600601 Fax

 

Email:somalifootballmedia@gmail.com

 



Leave a comment