Bari oo xasuuqday Bakool & Mudug oo 1-0 kaga badisay Gedo

Monday December 20, 2010 - 20:25:35
0 Comments
2752
Shaafici Muxyidiin
Waxaa galabta garoonka Mire Awaare ee malaalada Garowe ka dhacay cayaaro ka mida tartanka 18-aad ee gobalada Soomaaliya waxaana cayaartii hore ay dhex martay xulalka goballada Mudug iyo Gedo oo ku kala yaala bartamaha iyo Galbeedka Soomaaliya.


Cayaarta ayaa 90-kii daqiiqadood ee loogu talagalay waxaa ay kusoo idlaatay 1-0 ay guushu ku raacday xulka gobalka Mudug waxaana gobalka Bakool uu noqday gobalkii 2-aad ee tartanka isaga hara inkastoo hal cayaar ay u dhimantahay.

 

Cayaarta ayaa waxaa garsoore ka ahaa Garsoore Caalami ah Cabdi Cabdulle Axmed (Baasaale) iyadoo calan wadayaasha 1-aad iyo 2-aadna ay kala ahaayeen Cali Maxamed Axmed iyo Fahad Yariisow.

 

Garsooraha 4-aad ee cayaarta waxaa uu ahaa Muqtaar Macalin Yuusuf iyadoo xeer ilaaliyana uu ka ahaa Maxamed Xaaji.

 

Dhanka kale cayaar aad u adkeyd ayaa isla garoonka Mire Awaare ku dhex martay xulalka gobalada Bari iyo Bakool, waxaana cayaartani ay ka mid ahayd cayaarihii ugu daawashada badnaa tan iyo intii tartanku bilaabmay todobaadkii tagay.

 

Xulka gobalka Bari ayaa 4 gool iyo waxba kaga adkaaday xulka gobalka Bakool ee koofur galbeed Soomaaliya ka yimid, waxaana taas lagu tilmaamay guul daradii ugu weyneyd ilaa iyo markii cayaaruhu furmeen.

 

Gobalka Bari waxaa uu hada yahay gobalka ugu dhibcaha badan tartanka oo dhan, waxaana uu ku hogaaminayaa 6 dhibcood iyadoo gobalada kusoo xiga ay leeyihiin 4 dhibcood iyo wixii kasii hooseeya.

 

Xeer ilaaliyaha cayaartan dambe Cabdulaahi Awow Xuseen ayaa saxaafada u sheegay in cayaartii galabta dhex martay xulalka Bari iyo Bakool ay ahayd cayaartii ugu asluubta badneyd tartanka.

 

Cayaartan ayaa waxaa garsoore ka ahaa Garsoore caalami ah Maxamed Xasan Fiidow halka calan wadayaasha 1-aad iyo 2-aadna ay kala ahaayeen Garsoore caalami ah Saalax Cumar Abuukar iyo Cabdulaahi Cusmaan Xaaji (Galey).

 

 Somali Football Media Department

 

+252699 969815 Cell

+25250 930226 Office

+2521 600601 Fax

 

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment