Cayaaryahankii hore ee qaranka Maxamed Xaaji Uurey oo Xaflad soo dhaweyn ah loogu qabtay Garowe.

Monday December 20, 2010 - 07:08:39
0 Comments
3053
Shaafici Muxyidiin
Cayaaryahankii hore ee xulka kubada cagta qaranka Soomaaliya Maxamed Xaaji uurey ayaa xalay Munaasabad soo dhaweyn ah loogu qabtay Hotelka New Waamo ee magaalada Garowe,waxaana Munaasabadaas kasoo qeyb galay madax ka socotay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta iyo Cayaartoy da’ yar ah.

Munaasabadan ayaa waxaa si wada jir ah usoo qaban qaabiyay xiriirka kubada cagta gobalka Bay iyo Cawil Bashiir Suldaan Fooje oo horay xulka Gobalka Bay ugu soo cayaaray.

 

Xafladdan ayaa ujeedadeedu ahayd in lagusoo dhaweyo cayaaryahanka hore ee Qaranka isla markaana ay isku bartaan xulka gobalka Bay ee cayaaraha gobalada uga qeyb galaya Magaalada Garowe iyo Cayaaryahan Hore MaxamedXaaji Uurey.

 

Ugu horeyn waxaa Munaasabada Hadal gaaban ka jeediyay guddoomiyaha Olombikada Gobalka Bay Mudane Aweys Suufi Xaaji Cafaan,waxaana uu wax aad loogu farxo ku tilmaamay kulanka ay yeesheen cayaartoyda da’da yar ee gobalka Bay iyo Cayaaryahanka hore ee qaranka.

 

Weeraryahankan hore ee Qaranka Maxamed Xaaji Uurey oo isna Munaasabda ka hadlay ayaa ka sheekeeyay Taariikhdiisa isboorti iyo sida ay ku bilaabatay,waxaana uu dhalinyarada ku booriyay in ay ku dadaalaan sidii magac iyo maamuus weyn ay cayaarta kubada cagta ugu yeelan lahaayeen.

 

“Caawa sida aan ahay ma garanayo oo farxadda ayaa iga tan badisay sababtoo ah waxaan maanta daawaday cayaaraha gobalada Soomaaliya oo muddo dheer aan la qaban”ayuu yiri Cayaaryahankan hore ee qaranku.

 

“Halkan waxaad u timaadeen cayaar,sidaa daraadeed waxaan idinku boorinayaa in aad muujisaan wanaag oo hadii la idinka badiyo iyo hadaad badisaanba muujiya cayaar wanaag”ayuu Maxamed Xaaji u sheegay cayaartoyda gobalka Bay isagoona u balan qaaday in uu teegro la garab taagnaan doono.

 

“Intii tartanku socday waxaad ahaydeen kuwa ugu asluubta badan, taasna in la idinku amaano waad mudantihiin”ayuu yiri xoghayaha Guud ee Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab oo munaasabadii xalay ka hadlay.

 

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan idinka dhex arkayo wiilal ay dhaleen rag horay cayaartoy u ahaan jiray taasina waxaa ay muujineysaa in kubada cagta intiina badan lagusoo barbaariyay”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay xoghayaha guud.

 

Ugu dambeyntii guddoomiye ku xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Cabdulaahi Awow Xuseen ayaa cayaartoyda u sheegay in kuwa kasoo hor jeeda ay u muujiyaan farxad iyo  walaaltinimo sidii ay horayba usameeyeen cayaartii ay lasoo yeesheen gobalka Jubada hoose.

 

Gabar horay uga tirsaneyd xulka kubada koleyga ee gobalka Bay oo lagu magacaabo Faadumo Cali Nuur oo muddo dheer daganayd dalka Talyaaniga ayaa iyaduna habeen hore xaflad dhiiri gelin ah isla hotelka New Waamo ugu qabaty cayaartoyda gobalka Bay oo noqdqy kuwa keliya eexaflado is daba jog ah loo qabanayo.

 

Daawasada Cayaaraha goballada Waxaa meelo fog-fog oo aduunka daafihiisa  ah uga kala yimid  cayaartoy hore oo qaran, waxaana ka mid ah orodyahankii hore Cabdullaahi Maxamed Saneey oo hadana ah guddoomiye ku xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee Cayaaraha Fudud kana yimid dalka Ingiriiska.

 

Somali Football Media Department

 

+252699 969815 Cell

+25250 930226 Office

+2521 600601 Fax

 

Email:somalifootballmedia@gmail.com

 



Leave a comment