Garsooreyaasha kubada cagta oo maanta Seminaar loo furay

Thursday November 18, 2010 - 14:33:07
0 Comments
2909
Shaafici Muxyidiin
In ka badan 30 ka mida garsooreyaasha kubada cagta Soomaaliya oo isugu jira heerarka kala duwan ayaa waxaa maanta seminar aqoon kororsi ah looga furay magaalada Muqdisho.


Seminaarkan oo socon doona muddo 4 maalmood ah ayaa munaasabadii furitaanka oo ka dhacday hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho waxaa hadalo ka jeediyay madax ka tirsan xiriirka Soomaaliyeed ee kubda cagta.

 

Xoghayaha guud ee xiriirka Mudane Cabdi Qani Saciid Carab oo ugu horeyn furitaankii seminaarkan ka hadlay ayaa sheegay in seminaarkan u jeedadiisu ay tahay in sare loogu qaado aqoonta garsooreyaasha kubada cgata Soomaaliyeed.

 

“Sadex ujeedo ayaan ka leenahay seminaarkan, tan 1-aad waxaa ay tahay in la dhiso aqoonta garsooreyaasha tan 2-aad waxaa ay tahay in aan ku ogaano cida ay shaqada garsoorenimadu ka go’antahay iyo cida aanay ka go’neyn tan 3-aadna waxaa ay tahay in lagu kala qiimeeyo garsooreyaasha heerarka ay kala taagan yihiin”ayuu munaasabadii furitaanka ka sheegay xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Cabdi Qani Saciid Carab.

 

“Kubada cagta Soomaaliya waxaa ay u baahan tahay kor u qaadid, sidaa daraadeed xiriirku waxaa uu go’aan ku gaaray in hada wixii ka dambeeya la badiyo seminaarada xaga garsoorka, macalimiinta iyo caafimaadka isboortiga ah in ka badan 80% ayuuna xiriirku arrinkaa xooga saarayaa” ayuu xoghayaha guud ka sheegay munaasabdii furitaanka.

 

“Qof kasta oo idinka mid ah waxaa laga doonayaain uu meesha isku hayo, qof kastana waxaa lagu tix gelin doonaa wax qabadkiisa”ayuu xoghayaha guud usheegay garsooreyaasha maanta tababarka loo furay.

 

Xoghayaha guud waxaa uu sheegay in Xiriirku uu dhabarka u ridanayo shan waxyaabood oo kala ah :1 caafimaadka garsooreyaasha, 2 goobtii ay ku shaqeyn lahaayeen 3 waxbarashadooda 4 qalabkii ay ku shaqeyn lahaayeen iyo tan 5-aad oo ah in loo abuuro shaqooyinkii ay qaban lahaayeen.

 

“Qofkii intaa marka aan u diyaarino shaqadii laga rabay qaban waaya islama joogi doono”ayuu xoghayaha guud u sheegay garsoreyaasha isagoo macalimiintana kula dar daarmay in ayan garsooreyaasha u kala eexan.

 

Ugu dambeyntii ku simaha guddoomiyaha cabdulaahi Awow Xuseen oo seminarka furay ayaa garsooreyaasha u sheegay in xiriirku uu intii tabartiisa ah ku dadaalayo sare uqaadista aqoonta garsooreyaasha iyagana laga rabo in juhdiga la gelinayo ay ka faa’iideystaan.

 

“Garsoorka saldhigiisu waa cadaalad sidaa daraadeed waxaan idinka rabnaa in aad si cadaalad ah cayaaraha aad qabaneysaan ku maamushaan”ayuu ku simaha gudoomiyuhu u sheegay garsooreyaasha isgoo kadibna ku dhawaaqay in seminarku furan yahay.

 

Seminarkan ayaa waxaa macalimiin ka ah: Cali Maxamed Axmed (Cali Saciid) Xasan Maxamed Maxamuud (Xasan farey) Aweys Axmed Jimcaale iyo xasan Sheylilah Cadde oo dhawaan tababar heer caalami ah kusoo qaatay dalka Tanzania horayna u ahaan jiray garsooreyaal caalami ah.

 

Mudada uu seminarku socdo ayaa garsooreyaashan la siin doonaa casharo ku aadan waxyaabihii ugu dambeeyay ee iska badalay shuruucda kubada cagta ee aduunka.

  

 

Somali Football Media Department

+25250 930226 Office

+2526 99 969815 Cell

+2521 600601 Fax

Somali Football Media Department



Leave a comment