Jamhuuriyo oo ka adkaatay CCD hogaankana dib ula wareegtay

Wednesday November 17, 2010 - 18:13:58
0 Comments
2203
Shaafici Muxyidiin
Cayaar ka mid ahyd tartanka horyaalka 6-aad ee kooxaha heerka 3-aad ee dalka Soomaaliya ayaa waxaa galabta isku haleelay kooxaha kala ah Jamhuuriyo VS CCD waxaana cayaarta oo ka mid ahayd cayaarihii ugu ad adkaa tan iyo intii tartanku bilaabmay iyadoona ay guushu ku raacday kooxda Jamhuuriyo.


Cayaarta oo ahayd mid aad u kulul ayna usoo daawasho tageen tageerayaal aad u fara badan ayaa qeybteedii hore la isku mari waayay waxaana ay kusoo idlaatay 0-0, laakin markii la iskusoo laabtay qeybtii dambe ayaa waxaa gool deg deg ah kooxda Jamhuuriyo u dhaliyay weeraryahankooda Cali Maxamed Awow (Baxaar).

 

Dagaal culus oo ay qaadeen cayaartoyda kooxda CCD ayay suuragal unoqotay in ay iskasoo gudaan goolkii lagu yeeshay laakin taasi uma suuragelin in ay guushooda kusii socdaan waxaana 10 daqiiqadood kadib goolkii labaad ka dhaliyay isla cayaaryahan Cali Baxaar ciyaartuna waxaa ay kusoo idlaatay 2-1 oo ay guushu ku raacday kooxda Jamhuuriyo.

 

Kooxda Jamhuuriyo waxaa ay hada tartanka ku hogaamineysaa 12 dhibcood, waxaana kusoo xiga CCD iyo Bariga Dhexe oo leh min 9 dhibcood halka Geeska Afrika iyo Qodxaaley ay leeyihiin min 8 dhibcood.

 

Dhawaan ayay ahayd markii guddoomiyaha Jamhuuriyo Maxamed Xaaji Cabdulle iyo guddoomiyaha CCD Bashiir Salaad Barre ay idaacadaha wareysiyo siiyeen iyadoo mid waliba uu sheeganayay in uu kan kale ka adkaan doono, laakin Maxamed Taako ayay galabta suuragal u noqotay in uu la caraabo 3-dii dhibcood ee loo tartamayay.

 

Saakana cayaartii dhacday waxaa ay dhex martay kooxaha kala ah Hilaac VS Spade waxaana ay kusoo idlaatay 2-2 oo way kala adkaan waayeen.

 

Barri subax oo khamiis ah ayaa waxaa isla garoonka dusiga sare ee Booliska kuwada balan san kooxaha kala ah Qodxaaley oo leh 8-dhibcood iyo  Gasco ay 4 dhibcood oo keliya  leedahay.

 

 

Somali Football Media Department

+25250 930226 Office

+2526 99 969815  Cell

+2521 600601 Fax

Somali Football Media Department

 



Leave a comment