Nation Link E-maal oo 3-2 kaga adkaatay Singjet

Tuesday March 26, 2013 - 00:51:54
0 Comments
3421
Super Admin
Xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed ayaa maanta furay tartanka xiddigaha kubada cagta dalka iyadoo cayaartii furitaankana ay kooxda ku cayaareysay magaca E-maal Nation Link oo ah barnaamij lacagaha la isugu xawilo teleefonka teleefonka dhexdiisa ay 3-2 kaga adkaatay kooxda ku cayaareysay magaca shirkada Singjet, talaabadan oo qeyb ka ah isku day shirkadaha Soomaalida lagu barayo in ay Isboortiga maalgeliyaan.


Cayaartii galabta oo ahayd mid aad u adag ayaa waxaa daawashadeedda kasoo qeyb galay masuuliyiin ka kala tirsan dowlada Soomaaliya iyo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxaana tartanku uu ka furmay garoonka Jaamacadaha ee magaalada Muqdisho.

Qeybtii hore ee cayaarta ayaa ku dhamaatay bar bar dhac 1-1 ah, hase ahaatee daqiiqadihii ugu horeeyay ee qeybta labaad ee cayaarta ayaa kooxda Singjet ay dhalisay goolkeedii labaad iyadoo cayaartana 2-1 ku hogaamineysay muddo daqiiqado ah.



Laakin kooxda Nation Link Telecom E-maal ayaa sii xoojisay weeraradii ay ay la beegsanayeen goosha kuwa kasoo hor jeeda waxaana u suura gashay in ay dhaliyaan goolkii ay cayaarta bar bar dhac 2-2 ah uga dhigayeen.

Waxaa dhamaatay 90-kii daqiiqadood ee cayaarta loogu tala galay waxaana kaddib uu garsooruhu ku dhawaaqay 3 daqiiqadood oo dheeri ah. Mudadaas gudeheeda ayaa wiilasha ku cayaarayay magaca shirkada Nation Link waxaa ay ku guuleysteen inay dhaliyaan goolkii guusha oo uu si xarraga leh u dhaliyay cayaaryahan Bashiir, sidaana ay guushu ku raacday Nation Link Telecom E-maal 3-2.

Xogyahaya guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab oo munaasabadii furitanka tartankan hadal ka jeediyay ayaa sheegay in xiriirku uu 3 ujeedo oo waaweyn ka leeyahay qabashada tartankan xiddigaha kubada cagta dalka.

"Tartankani aad ayuu muhiim noogu yahay anaga, sababtoo ah qeyb ahaan waxaan ku maamuuseynaa ,kuna xasuusaneynaa guddoomiyeheenii hore Siciid Maxamuud Nuur iyo guddoomiyihii Olombikada Soomaaliyeed Aadan Xaaji Yabarow , tan labaad waxaan uga gol leenahay inta uu socdo in macalimiintu ay xulaan ciyaartoydii xulka qaranka matali lahayd, muhiimada sadexaadna waxaa ay tahay in shirkadaha ganacsiga lagu baro in ay kusoo xirmaan oo maalgeliyaan kubada cagta”ayuu yiri xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab.

Waxaa uu xoghayaha guud sheegay in lix shirkadood oo saaxiib la ah xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ay ka qeyb qaadanayaan tartankan iyadoo mid waliba ay maalgelineyso koox ka mida kooxaha lixda ah ee tartanka ka qeyb galaya.

Xoghayaha guud wuxuu ka dhawaajiyay in xiriirku uu aad ugu rajo weyn yahay shirkadahani in ay tusaale u noqon doonan shirkadaha kale ee dalka ka jira si mustaqbalka ay iyaguana uga qeyb qaataan horumarinta kubada Cagta dalka.

"Shirkadaha saaxiibka nala ah oo keliya ayaa fursad u heli doona in ay xayeysiinadooda kusoo bandhigtaan garoomada iyo shirarka kubada cagta”ayuu yiri xoghayaha guud oo amaan usoo jeediyay lixda shirkadood ee hada maalgelinaya kooxaha tartanka xiddigaha ka qeyb galaya.

Shirkadahaas saaxiibka dhow la ah xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxaa ay kala yihiin: Nation Link Telecom Somalia, Lido Sea Food Restaurant, Singjet, Global Hotel, Jazeera Palace Hotel iyo City Palace Hotel.

Agaasimaha waaxda Isboortiga ee wasaarada horumarinta adeega bulshada Saacid Maxamed Abuukar ahna macalin qaran oo hore ayaa ku amaanay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta shaqooyinka is daba jooga ah ee uu dalka ka wado.

"Muddo dheer xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxaa uu door weyn ka cayaarayay dhismaha nabada iyo is dhex galka bulshada, waxaan ula jeedaa xiriirku kuma aanu koobneyn oo keliya horumarinta kubada cagta laakin xiriirku waxaa uu door weyn ka cayaaray nabadeynta dalka iyo hub ka dhigista dhalinyaro farabadan oo horay loo askareeyay kuwaas oo loo marayy barnaamijko nabadeed oo kubada cagta ah—waxaan halkan ka cadeynayaa in dowlada Soomaaliya ay ahmiyad weyn siineyso kubada cagta sababtoo ah kubada cagtu waa cayaar aad ugu xoog badan bulshada dhexdeeda”ayuu yiri agaasimaha waaxda Isboortiga ee wasaarada horumarinta adeega bulshada Mudane Saacid.

Guddoomiyaha guddiga tartamada xiriirka ahna xubin ka tirsan guddiga fulinta Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) ayaa sheegay in xiriirku uu juhdi farabadan geliyay sidii tartankan loo qaban lahaa gaar ahaana ku dhiirgelinta shirkadaha in ay maalgeliyaan kooxaha ka qeyb qaadanaya tartanka.

Waxaa uu Cali Shiine sheegay in ku dhawaad 100 ciyaartoy ah oo tartanka ka qeyb galaya lagasoo kala xulay horyaaladii A iyo B ee dhawaan dhamaaday, isagoo xusay in tartankani uu socon doono muddo 19 maalmood ah, mudadaas oo macalimiin ka tirsan waaxda farsamada xiriirku ay ku howlanaan doonaan xulida ciyaartoydii qaranka ku matali lahayd tartamada caalamiga ah e kusoo aadan.

"Ilaa iyo 12 macalin oo da’ yar ayaa hogaaminaya kooxaha tartanka ka qeyb qaadanaya waxaana macalimiintaas oo ah kuwo aad u tayo wanaagsan ay kasoo faa’iideysteen tababaro heer caalami ah oo FIFA iyo xiriirka Soomaaliyeed qabteen labadii sanadood ee lasoo dhaafay—waxaan aad isugula weynahay howsha aan horay u qabanay iyadoo macalimiintan da’da yarna ay maanta heleen fursado ay kusoo bandhigaan xirfadohooda”ayuu munaasabada furitaanka ka sheegay Madaxa tartamada xiriirka Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine).

Dhankiisa guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cali Saciid Guuleed Rooble ayaa u mahad celiyay shirkadaha tartankan ka qeyb galaya isagoo xusay in xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta uu waligiis xasuusan doono shirkadahan saaxiibka dhow la ah sida ay hormuudka ugu noqdeen kusoo biiritaanka shirkadaha ee xeyndaabka kubada cagta dalka iyo in ay la jaal noqdeen xiriirka kubada cagta Soomaaliya.

"Waxaan ku boorinayaa shirkadahan saaxiibka nala ah inay sii wadaan maalgelinta kubada cagta kaddib marka uu tartankani dhamaado 12-ka bisha April ee inasoo aadan, taas waxaan ula jeedaa yaanay joojin kusii lug lahaashohooda cayaarta kubada cagta---waan ognahay in shirkada Nation Link ay dhowr jeer oo hore maalgelisay tartamo xiriirku qabtay laakin waxaan ku boorineynaa shirkadahan saaxiibadeen ah in ay sii wadaan maalgelinta kooxaha”ayuu munaasabada furitaanka ka sheegay guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta Cali Saciid Guuleed Rooble.



Somali Football Federation Media department

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment