Guddoomiyaha SFF oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabada Ciida

Tuesday November 16, 2010 - 22:49:06
0 Comments
1859
Shaafici Muxyidiin
Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta Mudane Saciid Maxamuud Nuur (Mugaabe) ayaa hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan umadaha Muslimiinta munasabada ciidul Adxa awgeed.


“Aniga oo ku hadlaya magaca xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta iyo guud ahaan bahweynta kubada cagta Soomaaliyeed,waxaan shucuubta Islaamka guud ahaan u dirayaa hambalyo ku aadan bilashada ciida Carafo ee Ciidul Adexa”ayuu yiri guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Siciid Maxamuud Nuur oo war saxaafadeed uu soo saaray saxaafada loo qeybiyay.

 

Munasabda Ciidul Adxa ayaa ah astaanta gudashada waajibaadkla Xajka waxaana dhambaalka hambalyada ah ee guddoomiyaha kasoo baxay uu kusoo beegmayaa iyadoo umadaha Islaamku ay si weyn ugu dabaal dagayaan munaasabadan qiimaha badan.

 

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed Allah kaga baryayaa in uu dhibatada ka dul-qaado sanadkan sanadkiisana ku gaarsiiyo nabad ,barwaaqo, hourmar iyo dowladnimo nag”ayuu war saxaafadeedkiisa ku yiri guddoomiye Siciid Maxamuud Nuur.

 

Somali Football Media Department

 

+25250 930226   Office Telephone

+2521 600601 Fax

+252699 969815   Mobile

 

Email:somalifootballmedia@gmail.com

 



Leave a comment