Ciyaaryahan Ljunberg oo looga gacan haatinayo San Siro.!!

Monday September 01, 2008 - 17:01:54
0 Comments
3536
Shaafici Muxyidiin
Kooxda K/cagta ee AC Milan ayaa noqotay kooxdii ugu dambeysay ee la soo xiriirta ciyaaryahanka weerarka ee xulka qaranka Sweden iyo kooxda West Ham United Freddie Ljunberg..

kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in kooxda United ay fasaxeyso laacibkii hore ee kooxda Arsenal.

Kooxaha Lazio iyo Roma ayaa hore u soo dalbaday Ljunberg, laakiin hadda tartanka waxaa ku soo biirtay kooxda Milan, waxaana warkan oo galabta soo baxay uu intaas ku darayaa in Milan ay ergo wada xaajood u direyso kooxda West Ham.

Kooxda Milan ayaa sheegtay in ay si aad ah ugu baahan yihiin ciyaaryahan, iyagoo cadeeyay in ay diyaar la yihiin mushaar wanaagsan oo uu kooxda ka qaato, haddii uu Milan uga cabsanayo mushaar yari, waxana Rossoneri ay intaas ku dartay  in ay ka faa'iideysanayaan khibradda ciyaaryahanka.

31-jirka wadanka Sweden ayaa lagu soo dhaweyn doonaa garoonka San SIro haddii labada kooxood ay isla af gartaan heshiiska ciyaaryahankan, waxaana wakiilka ciyaaryahanka  Claes Elefalk uu caawa qiray in ay jiraan dhowr kooxood oo doonay ciyaaryaanka, laakiin kooxda Milan ay horkaceyso kooxaha daneynayo laacibkan.



Leave a comment