Olole dhalinyarada Shaqo iyo Sportiga loogu jiheynayo oo Muqdisho ka furmay

Saturday October 30, 2010 - 17:21:44
0 Comments
2481
Shaafici Muxyidiin
Ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL 2 oo ah dallada dhalinyaro ee ugu weyn dalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ka wada barnaamij loogu tala galay in si cilmiyeysan hubka looga dhigo dhalinyarada taa badalkeedana loogu abuuro shqooyin laguna baro isboortiga.


Barnaamijkan oo ka soconaya magaalada Muqdisho ee dagaaladu burburiyeen ayaa waxaa loogu magac daray (Qoriga ku badalo shaqo iyo Isboorti).

 

Guddoomiyaha Ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL 2 Faarax Cali Jilicow oo maanta saxaafada kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ururkiisu uu xooga saarayo laba arrimood oo kala ah in laga hor tago dhalinyaradu in ay fal-dambiyeedyo ku dhacaan iyo in shaqooyin loo abuuro waxna laga baro isboortiga.

 

“Mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed mugdi ayuu ku aruuray, sababtuna waxaa ay tahay shaqo la’aanta, dagaalada raagay iyo sharci darada ka jira Soomaaliya, sidaa daraadeed waxaan xooga saareynaa sidii dhalinyarada looga bad baadin lahaa xaaladan khatarta ah”ayuu saxafiyiinta u sheegay Mr. Faarax.

 

Waxaa uu intaa ku daray in tan iyo markii la’aas aasay daba yaaqadii 2008-dii uu ururka SYL 2 ku guuleystay in uu soo aruuriyo in ka badan 105 wiilal yar yar ah oo isugu jira kuwa darbi jiifka ah, oo waalidiintoodu ku dhinteen dagaalada sokeeye, caruur horay loo hubeeyay iyo kuwo ka dhashay qoysas sabool ah, kuwaas oo la baray xirfado shaqo oo kala duwan.

 

“Sida aad la socotaan dagaal ooga yaasha iyo dabmiileyaasha kale ee dalka ku sugan waxaa ay ka faa’iideysanayaan waqtigan adag ee Soomaaliya mareyso iyaga oo hubeeya caruurta darbi jiifka ah iyo kuwa qoysaskoodu saboolka yihiin laakin taa badalkeeda anaguna waxaan aruurineynaa dhalinyaradaas oo aan shaqo u abuurnaa si aan ugasoo saarno gacmaha dambiilayaasha waxa xun ku caan baxay oo ay ku dheceen”ayuu saxaafada u shegay guddoomiyaha SYL 2 Faarax cali Jilicow.

 

“Isboortigu waa qeyb kale oo aad u muhiim ah, sidaa daraadeed waxaanu dhisnay koox kubada cagta ah waxaana leenahay macalimiin tayo leh oo casharo kubada cagta ah siiya dhalinyarada todobaadkiiba laba jeer, arintaasna waxaa gacan naga siiyay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo qeybta isboortiga aanu ka kaashano”ayuu yiri Mr. Faarax.

 

“Barnaamijka dhawaan la hindisay ee loogu magac daray  (Qoriga ku badalo shaqo iyo Sport). waxaa uu dhalaynatiijooyin dhaxal-gal ah waxaana ku faafin doonaa gobalada dalka oo dhan mustaqbalka dhow”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay guddoomiyaha SYL 2.

 

Dhawaan ayaa Ururka dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL 2 waxaa uu magaalada Muqdisho ka hir geliyay barnaamij tababar wacyi gelineed ah oo ay ka fa’iideysteen in ka badna 50 dhalinyaro ah waxaana intii tababarkaasi socday la is dhaafsaday doodo iyo fikrado wax ku ool ah.

 

Wax garad dhaqameed, culumaa’udiin aad loo qadariyo, aqoonyahano iyo madax isboorti oo uu ka mid ahaa guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa hadalo ka jeediyay munaasabadii furitaanka barnaamijkaas oo loogu tala galay in dhalinyarada lagu dhiiri geliyo in ay ka feejignaadaan qoryo in ay qaataan ama dambiyo kale galaan.

 

“Ururka dhalinyarada Soomaaliyeed waxaa uu dalkan fowdadu la dagtay gudihiisa ka qabanayaa shaqo aad u wanaagsan waxaana aniga oo ku hadlaya magaca xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta aan balan qaadayaa in aan ka caawin doono dhanka barashada kubada cagta oo dhalinyarada lagu bar baarinayo”ayuu yiri guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Saciid Maxamuud Nuur.

 

Ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL waxaa uu ahaa ururkii dhaliyay gobanimada Soomaaliya sanadku markuu ahaa 1960-kii hase ahaatee wixii xiligaa ka dambeeyay ururkaasi waa uu fur-furmay, laakin koox dhalinyaro ah oo uu hormuud ka ahaa Faarax Cali Jilicow ayaa daba yaaqadii sanadkii 2008-da waxaa ay dib boorka uga jafeen ururka SYL 2 oo hada ka shaqeynaya sidii dhalinyarada Soomaaliyeed looga saari lahaa dhibaatooyinka ay soo dhex dabaalanayeen 20-kii sanadood ee lasoo dhaafay.

 

Soomaaliya waxaa ay dhexda kaga dhacday fowdo iyo qalalaase siyaasadeed sanadku markuu ahaa 1991-kii waxaana dagaal oogayaashu ay tan iyo waqtigaa dhalinyarada u adeegsanayeen xaabo lagu shido dagaalada sokeeye ee Soomaaliya ka holcaya.

 

In ka badan nus milyuun qof oo rayid iyo caruurtii la askareeyay u badnaa ayaa lagu dilay dagaalada halganka wasaqeysan ku saleysan ee Soomaaliya ka soconayay  tan iyo xiligaas.

  

Somali Football Media Department

+25250 930226   Office Telephone

+2526 99 969815 Cell

+2521 600601 Fax

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment