Garsooreyaasha kubada cagta oo maanta Imtixaan laga qaaday

Tuesday October 26, 2010 - 16:34:04
0 Comments
3227
Shaafici Muxyidiin
Ilaa iyo 30 ka tirsan garsooreyaasha heerarka kala duwan ee kubada cagta dalka Soomaaliya ayaa maanta maray imtixaanka loo yaqaano Cuper Test-ga ee lagu tijaabiyo awooda wax qabad iyo caafimaadka garsooraha.


Ka hor intii aanu imtixaanku bilaaban ayaa guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Saciid maxamuud Nuur (Mukambe) waxaa uu la hadlay garsoorayaasha isagoo u sheegay in sharciga caalamiga ah ee garsoorku uu qabo 80 % in la tix geliyo faya qabka garsooraha sidaas daraadeed garsoorihii aan imtixaankan ku baasin uusan wax shaqo ah qabanaynin muddo 3 bilood ah laakin kadib uu heysto fursad ah imtixaanka xiga in uu ka qeyb galo.

 

“Sida aad la socotaan marka la aado tartamada caalamiga ah garsoorayaasha waxaa laga qaadaa imtixaankan oo kale qofkii ku dhacana cayaar loo dhiibo iska daaye dalkisii ayaa dib loogu celiyaa sidaa daraadeed waxaan idinka dooneynaa in aad ku dadaashaan dhisida jirkiina”ayuu guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu u sheegay garsoorayaasha.

 

Guddoomiyaha ayaa intaa raaciyay in xiriirku uu diyaariyay qorsheyaal gaar ah oo loogu talagalay in aqoonta garsoorka kor loogu qaado magaalada Muqdisho iyo gobaladaba, waxaana uu garsoorayaasha kula dardaarmay in ay tabarada joogteyaan.

 

“Waxaa nagusoo fool leh tartankii gobalada oo bisha November ka dhici doona Puntland waxaana garsooreyaasha lagu qiimeyn doonaa hadba sida ay imtixaankan ugu gudbaan”ayuu yiri guddoomiyaha oo sheegay in ay jiraan garsooreyaal kale oo gobalada ku sugan kana shaqeyn doona tartanka gobalada.

 

Guddoomiyaha aya sidoo kale ka dhawaajiyay in imtixanka noocan oo kale ah ee loo yaqaano Cuper Test-ga 3-dii biloodba mar la qaban doono si ugu yaraantii la isugu dayo in wax lala qeybsado caalamka intiisa kale ee nabada iyo horumarku ka jiro.

 

 

Somali Football Media Department

 

+2526 99 969815 Cell Phone

+25250 930226   Office Telephone

+2521 600 601   Fax

Email:somalifootballmedia@gmail.com

 



Leave a comment