Cali Shiino oo ka warbixiyay tartankii dib usoo nooleynta nabadda

Tuesday October 26, 2010 - 15:22:31
0 Comments
2349
Shaafici Muxyidiin
Gudoomiyaha Guddiga Tartamada ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ahna xubin ka tirsan guddiga Fulinta Cali Cabdi Maxamed (Shiino) oo maanta saxaafada la hadlay ayaa ka war bixiyay tartankii dhawaan soo dhamaaday ee dib usoo nooleynta nabada.


Waxaa uu guddoomiyaha guddiga tartamadu Sheegay in tartankaasi uu kusoo gabagaboobay si naad ah, intii uu socdayna wax dhibaato ahi aanay dhicin marka la eego xaga garsoorka, amaanka, caafimaadka islamarkaana kooxuhu ay ahaayeen kuwo si weyn isusoo abaabulay.

 

“Waxaan aad ugu mahad celineynaa kooxihii tartanka ka qeyb galay oo muujiyay asluub wanaag iyo is xil qaan waxaana sidoo kale mahad celin balaaran ujeedineynaa shaqalaha garoonka iyo saraakii shiixaga amaanka kaalinta weyn ka qaatay”ayuu yiri Cali Shiino.

 

Waxaa uu sidoo kale amaan iyo bogaadin usoo jeediyay qeybaha kala duwan ee warbaahinta oo uu sheegay in ay iyaguna gacan weyn ka geysteen buun buuninta tartankaas iyo dhamaan tartamadii xiriirku horay u qabtay.

 

“Warbaahintu waa seef laba afle ah oo dhanka xun iyo dhanka wanagsaanba loo adeegsan karo sidaa daraadeed kuwii shaqada wanagsan qabtay amaan ayay mudan yihiin kuwa kalana waxaan ugu baaqeynaa in ay wanaaga uun sheegaan ee xumaanta ayan buun buunin”ayuu yiri gudoomiyaha guddiga tartamada xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.

 

Waxaa uu Cali Shine sheegay in tartamada xiriirku qabanayo ay yihiin kuwo is daba joog ah isagoo ka dhawaajiyay in 1-da bisha soo socota oo ku beegan maalinta Isniinta ah uu xiriirku furayo tartanka horyaalka 6-aad ee kooxaha heerka koobaad taas oo qeyb ka ah wax qabadka xiriirka ee sanadlaha ah.

 

Somali Football Media Department

 

+2526 99 969815 Cell Phone

+25250 930226   Office Telephone

+2521 600 601   Fax

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment