Guddoomiyaha SFF oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabada Ciida

Friday September 10, 2010 - 00:13:12
0 Comments
2296
Shaafici Muxyidiin
Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta Mudane Saciid Maxamuud Nuur (Mugaabe) ayaa hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan umadaha Muslimiinta munasabada ciidul Fidriga awgeed.


“Aniga oo ku hadlaya magaca xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta iyo guud ahaan bahweynta kubada cagta Soomaaliyeed,waxaan shucuubta Islaamka guud ahaan u dirayaa hambalyo ku aadan bilashada ciida soon fureed ee Ciidul Fidriga”ayuu yiri guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Siciid Maxamuud Nuur oo war saxaafadeed uu soo saaray saxaafada loo qeybiyay.

 

Munasabda Ciidul Fidriga ayaa ah astaanta gabagabada bisha barakeysan ee Ramadaan waxaana dhambaalka hambalyada ah ee guddoomiyaha kasoo baxay uu kusoo beegmayaa iyadoo umadaha Islaamku ay si weyn ugu dabaal dagayaan munaasabadan qiimaha badan.

 

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed Allah kaga baryayaa in uu dhibatada ka dul-qaado sanadkan sanadkiisana ku gaarsiiyo nabad ,barwaaqo, hourmar iyo dowladnimo”ayuu war saxaafadeedkiisa ku yiri guddoomiye Siciid Maxamuud Nuur.

 

Dhambaalka xambaarsan hambalyada ciida ee guddoomiyuhu soo saaray ayaa isagoo ku qoran luqada carabiga waxaa loo kala diray dhamaanba xiriirada kubada cagta ee dalalka Islaamka oo qudhoodu hambalyo tan oo kale ah soo gaarsiiyay Guddoomiyaha

 

Somali Football Media Department

 

+25250 930226   Office Telephone

+2521 600601 Fax

+25261 5566280   Mobile

 

Email:somalifootballmedia@gmail.com

 

 



Leave a comment