Xulka Soomaaliya oo Axada la cayaraya Sudan

Friday August 13, 2010 - 20:51:11
0 Comments
2169
Shaafici Muxyidiin
Xulka kubada cagta dalka Soomaaliya ee da’doodu ka yartahay 20-ka sano ayaa maalinta Axadaa ah ee inasoo aadan cayaarta ugu horeysa ee tartanka CECAFA U-20 ee nabada iyo horumarinta la yeelanaya dhigooda dalka Sudan.


Sida ku cad jadwalka waxaa cayaartani ay dhici doontaa 4-ta galabnimo, taas oo kusoo beegmeysa iyadoo labada xulba ay sooman yihiin.

 

Inkastoo dalalka qaar oo muslim ah kana qeyb galaya tartankan ay codsadeen in maadaama ay sooman yihiin waqtiyada loo badalo ayaa hadana guddiga qaban qaabadu uu sheegay in wixii ka dambeeya maalinta Axada ah laga wada hadli doono bal in waqtiyada la badalayo iyo in kale.

 

Cayaarta 2-aad waxaa dulka Soomaaliya ay la yeelan doonaan dalka Tanzania maalinta Salaasada ah waxaana ay dhacaysaa sida jadwalka ku cad 2-da duhurnimo taas oo kusoo beegmeysa xili xulka Soomaaliya ay sooman yihiin halka xulka Tanzania aanay soomanayn.

 

Xulalka 9 dal ayaa ceyrsanaya koobkan oo xulkii ku guuleysta uu helayo 10-kun oo doolar iyo 25 biladood oo dahab ah sida uu maanta shir jaraa’id ka sheegay xoghayaha guud ee ururka kubada cagta dalalka bariga iyo bartamaha Afrika ee CECAFA Mr. Nicholas Musonye.

 

Xulka Soomaaliya waxaa ay u tahay markii ugu horeysay ee ay yimaadaan dalka Eritrea oo iyana markii ugu horeysay tartankan marti gelinaya.

Ka hor intii aanay kasoo amba bixin magaalada muqdisho ayaa xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab waxaa uu xulka Soomaaliya u sheegay in hadii ay soo badiyaan ay heli doonaan abaalmarin weyn hadii lagasoo badiyana la kala diri doono oo mar dambe ayan qaranka Soomaaliyeed matali doonin.

 

Somali Football Media Department

+25250 930226 Ofice Telephone

+2521 600601   Fax

Email:somalifootballmedia@gmail.com

 



Leave a comment