Kabtanka xulka talyaaniga oo loo idmay in uu koobka aduunka ku wareejiyo Spain iyo Holland cidii guuleysata caawa.

Sunday July 11, 2010 - 22:19:28
0 Comments
2513
Shaafici Muxyidiin
Iyadoo iminka ay garoonka weyn ee Soccer city stadium ee magaalada Johannesburg ka soconeyso cayaarta kama dambeysta ah ee koobka aduunka ayaa kabtanka xulka qaranka dalka Talyaaniga Fabio Cannavaro waxaa loo doortay in uu koobka ka ku wareejiyo labada xul midkii guuleysta kadib markii uu muddo 4 sano ah soo heystay talyaanigu.


Kabtanka ayaa saacado ka hor ingtii aysan cayaarta
kama damebynta ahi bilaaban la shaaciyay in loo magacaabay koobka in uu labada xul midkii guuleysta ku wareejin doono caawa.

Arrintan ayaa waxaa shaaca ka qaaday afhayeenka ururka kubada cagta aduunka ee FIFA ninka lagu magacaabo Nicolas Maingot, oo shir jaraa’id qabtay.

Sida FIFA ay sheegtay kabtanka ayaa koobka si weyn umuujin doona si ay daawadayaasha iyo kuwa shaashadaha kala socda si hufan ugu arkaan marka uu wareejinayo oo uu gacanta ka saarayo kabtanka xulka cawa guuleysan doona.

Somali Football Media Department

 

+2525 930226 Telephone office

+2521 600601 Fax

Email:somalifootballmedia@gmail.com

 



Leave a comment