Tartan lagu maamuusayay 1-da July oo lagu qabtay Guri-Ceel

Saturday July 03, 2010 - 18:00:56
0 Comments
3525
Shaafici Muxyidiin
Degmada Guri-Ceel ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa lagu qabtay tartan kubada cagta ah oo lagu maamuusayay maalinta qaranimada soomaaliyeed ee 1-da July waxaana tartankaas gacan weynka geystay Xiriiriyah guud ee hey’ada SAHED Dr. Axmed Maxamed Mahdi.


Tartankan oo uu soo qaban qaabiyay guddiga xiriirka kubad cagat heer gobol ee gobolka Galagduud ayaa waxaa ku tartamayay labada kooxood ee kala ah Hilaac iyo waaberi kuwaas oo lagasoo xulay kooxaha degmada ka dhisan sida uu sheegay guddoomiyaha xiriirka gobolka Mudane Cabdirashiid Aadan Rooble (Shig Shigow).

Cayaarta oo ahayd mid aad u kulul ayna usoo daawasho tageen dadweyne farabadan ayaa waxaa ay daqiiqadihii loogu talagalay kusoo idlaatay 5-3 oo ay guushu ku raacday cayaartoydii ku cayaareysay magaca kooxda Hillaac.

Guddoomiye Shig Shigow oo saxaafada war siiyay markii ay cayaartu soo dhamaatay kadib ayaa amaan balaaran ujeediyay xiriiriyaha guud ee hey’ada horumarinta caafimaadka iyo wax barashada ee marka mageceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano SAHED Dr. Axmed Maxamed Mahdi oo uu sheegay in uu in badan taakuleeyay dhaq dhaqayada kubada cagta ee gobalka ka socoda.

Waxaa uu guddoomiyuhu sheegay in gobalku uu yahay gobol nabdoon dhaq dhaqaayo baaxad leh oo xaga kubada cagta ahna ay ka soconayaan taasoo uu sheegay in xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu uu suurageliyay.

Dr. Axmed maxamed Mahdi oo isna saxaaada war siiyay ayaa sheegay in intii karaankiisa ah uu ku tabarrucayo isboortiga gobolka gaar ahaana cayaarta kubada cagta oo ah tan loogu jecelyahay dalka Soomaaliya.

“Shaqada aanu wadno iyo isboortigu waa isku xiranyihiin, sidaa daraadeed waxaan ku dadaaleynaa in kaalinteena aanu ka qaadano dhiiri gelinta cayaaraha, taasina ma ahan wax aan cid si gaar ah ugu qabaneyno ee waa qeyb ka mida howlaha bulshada sida wada jirka ah loogu hayo”ayuu yiri xiriiriyaha guud ee hey’ada Horumarinta caafimaadka iyo wax barashada ee SAHED Dr. Axmed maxamed Mahdi.

Gobalka Galgaduud ayaa waxaa uu ka mid yahay gobolada soomaaliya ee sida aadka ah dhaq dhaqaayada xaga kubada cagtu ay uga soconayaan,waxaana howshaas maamulaya wakiilka xiriirka soomaaliyeed ee kubada cagta u qaabilsan arrimaha gobolkaas Cabdirashidi Aadan Rooble.

Inkastoo gobolku uu dalka intiisa kale la wadaago dowlad la’aanta hadana waxaa ka jirta degenaasho u suuragelinesa xiriir goboleedka kubada cagta in uu cayaaro abaabulo isagoo gacan ka helaya xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed.

Somali Football Media Department

+2525 930226   Telephone

+2521 600601     Fax
Email:
Somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment