Ururka garsoorka kubada cagta oo yeeshay xuquuq cod-bixineed

Friday July 02, 2010 - 21:41:19
0 Comments
2608
Shaafici Muxyidiin
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in ururka garsooreyaasha kubada cagta Soomaaliyeed uu yeelanayo xuquuq cod-bixineed doorashooyinka mustaqbalka ee xiriirka.


Guddoomiyaha xiriirika Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Siciid Maxamuud Nuur Mugaabe ayaa hadalkan ka sheegay kulan ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen madaxda xiriirka iyo ururka garsooreyaasha kubada cagta Soomaaliyeed.

 

“Waxaan ku faraxsanahay in aan idin sheego in maanta wixii ka dambeeya uu ururka garsooreyaashu xubin buuxda ka yahay xiriirka,s diaa marka an leeyahay waxaan ulajeedaa wuxuu leeyahay xuquuq cod-bixineed, taas oo aan horay uga jirin dalka soomaaliya”ayuu yiri guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed Siciid Mugabe oo kulankaa hadal ka jeediyay.

 

Kubada cagta soomaaliya waxaa ay jirtay muddo dheer laakin xiliyadii hore ururka garsooreyaashu cod kuma lahaan jirin doorashooyinka xiriirka, waxaana tani ay kusoo beegmeysaa iyadoo dhawaan lagu wado in doorashada xiriirka Soomaaliyeed ay ka dhacdo magaalada Muqdisho.

 

Guddoomiye Siciid oo kulankaasi ay ku wehlinayeen guddoomiye ku xigeenka 1-aad cali siciid Guuleed iyo masuuliyiin kale ayaa ku booriyay garsooreyaasha Soomaaliyeed in ay wax badan isku howlaan sidii ay aqoontooda iyo awoodooda jireed sare ugu qaadi lahaayeen si ay ula baratamaan garsooreyaasha dhigooda ah ee caalamka.

 

“Xiriirku intii uu awoodo wuu idin qabanayaa si la idin horumariyo, waxaadna la socotaan in bishii maarso ee sanadkan 26 garsoore tababar heer caalami ah ay kusoo qaateen dalka dibadiisa taas oo ahayd markii ugu horeysay ee tiro intaa la eg ay koorso dibada kusoo qaataan”ayuu guddoomiyuhu u sheegay garsooreyaasha kulanka ka qeyb galay.

 

Waxaa uu sheegay in xiriirku uu FIFA weydiistay in tababar kale oo caalami ah loo qabto garsooreyaasha Soomaaliyeed oo taana laga qabalay.

 

“Imtixaan caalami ah ayaa bisha September ee inasoo aadan la idinkaga qaadi doonaa dalka Jabuuti ,sidaa daraadeed waxaa la idinka doonayaa diyaar garow adag sababtoo ah ma dooneyno in aad caalamka ku hor kuftaan”ayuu yiri guddoomiyaha oo hadalkiisa ku wajahayay garsooreyaasha uu la kulmay.

 

“Si weyn ula socda cayaartaha aduunka ee hada socda si aad fikrado uga kororsataan waxyaabaha dhacaya”ayuu guddomiyuhu usheegay garsooreyaasha Soomaaliyeed ee kubada cagta.

 

Waxaa uu kula dardaarmay garsooreyaasha in ay sameeyaan tababar joogto ah isagoo yiri “waxaan aragnaa sadex garsoore  oo keliya in ay tababarka si joogto ah u sameeyaan intiina kalana aad iska fadhisaan guryaha taasi waa mid aan la qaadan Karin”.

 

Garsoorka ayaa waxaa uu ka mid yahay tiirarka ugu waaweyn ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu uu ku taagan yahay, taasina waa sababta keentay in kulamada joogtada ah ay madaxda xiriirku la yeeshaan garsooreyaasha isla markaana la badiyo tababarada caalamiga ah ee la siinayo.

 

Somali Football Media Department

+2525 930226   Telephone

+2521 600601     Fax

Email: Somalifootballmedia@gmail.com

 

 

 



Leave a comment