Xafladdii qori-tuurka tartanka Somali-UK Football Festival oo ka dhacday waqooyiga London.

Wednesday June 09, 2010 - 19:50:15
0 Comments
2713
Shaafici Muxyidiin
Xaflad si aad u heersaraysa loo soo agaasimay ayna ka soo qaybgaleen odayaal, aqoonyahan, madax ka socotay dawladda KM ee soomaaliya, garsoorayaal, dhaqaatiir, madaxda iyo cayaartoyda kooxaha ka qaybgalaya tartanka iyo tiro aad u badan oo ka tirsan kuwii ugu magaca waynaa cayaartoydii hore ee kubadaha cagta iyo kolayga ee kooxihii dalka iyo xulkii qaranka Soomaaliyeed looguna qorituurayey kooxaha ka qaybgalaya tartanka Somali-UK Football Festival ayaa ka dhacday xaafadda Enfield ee waqooyiga London.


Xafladdan iyo tartanka daba socda oo uu soo qabanqaabiyey ururwaynaha Somali Sports Association in UK oo ay ku midaysan yihiin bahda sport ga ee dalkan Ingiriiska oo ay hogaaminayaan cayaartoydii hore ee dalka ayaa waxaa sidoo kale ka soo qaybgalay ururo Sport oo ka kala yimid magaalooyinka Bristol, Leicester iyo Manchester oo dhamaantood wada shaqayn buuxda la leh ururkan.

Ugu horeyntiiba waxaa xafladdan warbixin koobnayd oo ku saabsanayd ulajeedooyinka ururka, waxqabadkiisii mudadii gaabnayd ee uu jiray iyo tartankanba ka soo jeediyey xoghayaha ururkan SSAUK asagoo tilmaamay baahida bulshada Soomaaliyeed kuwooda cayaaraha jeceli u qabto hogaan sport oo leh qibrad, aqoon iyo daacadnimo ay ku dheehan tahay Sport jacayl dhab ah ayna garteen in ay cayaartoydii hore ee dalku yihiin kuwa buuxin kara sifooyinkaasi sidaasi darteedna ugu istaageen qabashada hogaankaasi.

 

Ka dib waxaa hadal aad loogu riyaaqay isla markaana taabtay arimo badan oo ku saabsan cayaaraha dalka guud ahaan gaar ahaan kuwa qurbaha ka soo jeediyey halkaasi guddoomiye ku xigeenka ururka SSAUK Maxamed Ismaaciil Cali kaasoo si cad u sheegay in ururkani uusan u dhismin in lagu kala qaybiyo bahda sport ga balse loo sameeyey in uu mideeyo uuna asagu shakhsi ahaan aad u dhibayso in uu maqlo kala qaybsanaan marnana uusan taageeri doonin.

 

Xiddigii hore ee xulka qaranlka kubadda cagta iyo naadigii Horseed Maxamed Ismaaciil ayaa waxa uu sidoo kale halkaasi ka soo jeediyey taariikh gaaban iyo aqoontii uu u lahaa alaha u naxariistee xiddigii waynaa xulkeena qaranka iyo kooxdii Mogadishu Maxamed Xuseen Cali (Shiikhaalow) oo bishii hore ku geeriyooday magaalada Mogadishu wuxuuna taariikh murugo iyo xasuus badan lahayd ka dib dadkii halkasi fadhiyey ka codsaday dhamaantood in ay u duceeyaan asagana uu ilaahay janadii fardawsa ahayd ka waraabiyo.

 

Mudada uu Maxamed Ismaaciil ka taariikhaynayey Maxamed Xuseen (Shiikhaalow) ayaa waxaa shaashadda laga daawanayey sawiro iyo taariikh kooban uu ku saabsanayd alaha u naxariistee xiddigan iyo kooxdiisii Mogadishu waxaana halkaasi lagu furay sanduuq dhaqaale loogu aruurinayo caruurtii uu ka tagay xiddigaasi.

 

Intaasi ka dib ayaa waxaa halkaasi lagu soo dhaweeyey cayaaryahanka ugu da’da wayn uguna horeeyey dhinaca kubadda cagta cayaartoyda ku nool dalkan Ingiriiska Shaacir Shiikhow Jalbe kaasoo halkaasi ka soo jeediyey hadalo isugu jiray guubaabo iyo taageero buuxda oo uu u muujiyey ururkan, wuxuuna caddeeyey in intii uu ku noolaa dalkan uusan arag xaflad sport oo ay ku kulmeen tirade cayaartoydii hore ee dalka taasoo muujinaysa taagerada ay u hayaan ururwaynahan.

 

Guddoomiyaha cusub ee ay dawladda ku meel gaarka ah ee Soomaaliyeed u soo magacawday jaaliyadda soomaaliyeed ee UK mudane C/Qaadir Aden Cali oo ku magac dheer (Dhuub) oo asaguna xafladdaasi kala soo qaybgalay bahwayntan ayaa sheegay in asagoo ku hadlaaya magaca dawladda KM gaarka ah iyo kiisaba uu aad ugu faraxsan yahay in uu bahwaynta sport ga kala soo qaybgalo xafladdan loogu qorituurayo kooxaha dhalinyarada ah ayaguna jaaliyad ahaan ay taageero had iyo goor ah la garab istaagi doonaan bahwaynta sport ga.

 

Maxamed Muxiyaddiin Guutaale (Guutaale) oo ka mid ahaan jiray xiddigihii kubadda cagta ee kooxdii Jeenyo (LLPP) oo asaguna ka hadlay halkaasi asagoo matalayey bahwaynta sport ga ee Canada ayaa ugu hambalyeeyey saaxiibadiisa talaabadan horumarka leh ee ay qaadeen wuxuuna sheegay in kala dambayntii sport ga ee ahayd in ruux waliba ku xushmeeyo ruuxa kale intii uu uga horeeyey cayaaraha ay dariishadda ka baxday ayna bedashay kala orod iyo isbarbaryaac taasina jidka kaliya ee looga bixi karo ay tahay in dib loo soo celiyo xushmaddaasi.

 

Tirada odayaashii, indheergaradkii iyo bahda sport ga ee halkaasi ka hadashay oo aan lagu soo koobi Karin ha lama laba qoraal ayaa waxa ay dhamaantood hoosta ka xariiqeen in cid ka mudan hogaanka sport ga dalkan cayaartoydii hore aysan jirin balse loo baahan yahay in ay muujiyaan dul qaad kana shaqeeyaan sidii ay ayagu u midayn lahaayeen bahda sportga isla markaana khibradda iyo aqoonta ay u leeyihiin sport ga ugu wareejin lahaayeen jiilka dambe, waxaana dadkii halkaasi ka hadlay oo aad u fara badnaa ka mid ahaa:

 

Axmed Cabdi daahir (Shell) – Oday sport

Maxamed Axmed Caalin – Oday Sport

AVV Xuseen Diiriye – Oday Sport

Dr Cusmaan Shiis – Cayaartoy hore qaranka KK

Axmed Muuse – Cayaartoy hore qaranka KK

Xasan M Faarax (John) – Macalin qaranka K Kolayga

C/Laahi Muxiyaddiin – Cayaartoy hore, macalin da’ yarta

Maxamed Xaaji Cali gudd ku xigeenka xiriirka KK (Birmingham)

Cabdulqaadir Caddaay – Garsoore caalami ah (Manchester)

Dr C/Raxmaan Cunaaye – Dhakhtar caafimaad

Garaad Sabriye (Gaadaale) – aqoonyahan, xawaaladda Dahabshiil.

Kamaal Maxamed – Ganacsade, Xawaaladda Olympic

Cumar Dheere – Chairman Leicester United and Super Cup

Eng Axmed Ciise Kirish – Maamulka Ilamos youth Action

Xuseen Guushaan – Maamulka Bristol Somali Youth

 

Intaasi ka bacdi ayaa waxaa la guda galaya qorituurkii kaasoo u dhacay si waafaqsan sharciyada kubadda cagta dunida ayadoo halkaasi lagu soo bandhigay kubado yaryar oo ay ku jiraan magacyada kooxaha ka qaybgalaya tartanka kuwaasoo ay mid mid u soo saarayeen martisharaftii xafladdaasi goobjooga ka ahaa gaar ahaan sideed qof oo ayaga lagu sharfay in ay soo bixyaan kubadahaasi ka dibna ay madaxda guddiga farsamadu ka horakhrinayeen dadkii goobjooga ahaa, martisharaftii lagu maamuusay qorituurkana waxa ay kala ahaayeen:

 

Maaxamed Sheegow – Cayaartoy hore Horseed

Xuseen Axmed (Xuska) – Cayaartoy hore Horseed

Maxamed M guutaale – Cayaartoy hore Horseed

Garsoore Cantar – Garsoore hore

Dr Cunaaye – Dakhtar caafimaad

Sahra Cali Xasan (Daanduush) -  Aqoonyahan

CRaxmaan Saalax (Matiite) – Cayaartoy hore KK

Luqmaan – Cayaartoy hore Horseed

 

Kooxaha ayaa loo qaybiyey laba group waxayna isugu soo aadeen sidatan:

 

Group A

Ilamos

Heston

Mogadishu

Banadir

 

Group B

Horseed

Bristol

Leicester United

Wembley

 

Intaasi ka dib ayaa waxaa halkaasi hadalkii gabagabada ahaa qaatay guddoomiyaha ururka SSAUK mudane Maxamed Shidane Buraale (Cayaartoy hore Horseed) kaasoo uga mahadceliyey dhamaan ka soo qaybgalayaashii xafladdan sida saaxiibtinimada, soomaalinimada iyo sport jacaylka ah ee ay uga soo jawaabeen codsigoodii taasoo uu sheegay in ay muujinayso sida aan dhamaanteen u jecel nahay wada jirka iyo xiriirka joogtada ah.

Maxamed Shidane ayaa mar kale ku celiyey in ururkani uusan ahayn urur cid duulaan ku ah balse uu rabo in uu mideeyo bahda sport ga guud ahaan gaar ahaan dadka ayagu ku guda jira hawlaha horumarineed ee dhalinta soo koraysa taasoo lagu gaari karo horumar dhab ah.

 

Guddoomiyaha ayaa kula dardaarmay kooxaha ka qaybgalaya tartankan in ay muujiyaan akhlaaq suuban, ixtiraam iyo kala dambayn asagoo dhinaca kalena uga mahadceliyey ka soo qaybgalkooda tartankan koowaad ee Somali Football Festival.

 

Maxamed Shidane ayaa dhinaca kale uga cudur daartay kooxihii aan nasiibka u yeelan sanadkan in ay ka soo qaybgalaan tartankan taasoo uu ku macneeyey waqtiga kooban oo uu jiro ururkan iyo bisha soonka oo aad ugu dhaw xiliga cayaaraha oo aan u saamaxaynin in ay tiro intaasi ka badan qaataan balse uu rajaynayo in sanadka dambe ay tiro intaasi ka badan qaadan doonaan haddii alaha awoodda lihi ogolaado.

 

Xiritaankii xafladda ee guddoomiye Shidane ka dib ayaa waxaa loo dareeray dhinicii cashada oo loo diyaariyey goob si aad ah loo qurxiyey ayna gacan aad u saraysa ka gaysteen maamulka iyo cayaartoyda kooxda Ilamos oo goobtaasi ay tahay xaruntooda dhinaca maamulka iyo tababarkaba waxaadna aad arkaysay martisharaftii oo raxan raxan u fadhiya wajiyadoodana ay ka muuqato farxad aan la soo koobi Karin.

 

Isku soo wada duuboo waxaa ay bahwaynta sport ga ee magaalada London iyo ururka SSAUK u ahayd habeen farxadeed ayna kulmisay dad badan oo ayagu muddo aad u fog ku kala noolaa dalal iyo magaalooyin kala gedisan waxaana la filayaa in is araga cayaartoydii hore iyo asxaabtooduba ay ka sii waynaan doonto marka ay cayaaruhu ka furmaan garoonka Linford Christie oo ku yaala galbeedka magaalada London bisha Julay 26 keeda haddii alaha awoodda lihi ogolaado.

 

Somali Football Media Department

 

+2525 930226   Telephone

+2521 600601     Fax

 

Email: Somalifootballmedia@gmail.com

 



Leave a comment