Kabtankii hore ee Qaranka oo macalinka U 17-ka loo magacaabay

Thursday May 27, 2010 - 16:02:33
0 Comments
2590
Shaafici Muxyidiin
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa kabtankii hore ee xulka qaranka Yuusuf Cali Nuur (Yuu Cali) u magacaabay macalinka kooxda ka yar 17-ka sanadood.


Xiriirka ayaa war saxafadeed uu soo saaray maanta waxaa uu ku sheegay in Yuusuf cali Nuur uu maanta kadib yahay macalinka U-17-ka,iyadoo hada kooxdu ay u diyaar garoobeyso cayaar adag oo ay la yeelan doonto dhigeeda dalka Masar,kadb markii ay usoo baxday wareega 2-aad ee cayaaraha dhalinyarada Afrika oo ay kala jebisay xulka Kenya bishii April

War saxaafadeedka waxaa kaloo lagu sheegay in macalinkii hore ee U 17-ka Maxamed Cabdulle Farayare loo magacaabay macalinka xulka U 20-ga oo iyagana ay sugeyso cayaaraha kooxaha da’doodu ka yartahay 20-ka sanadood ee bariga iyo Bartamaha Afrika oo bisha August ka dhici doonta dalka Eritrea.

Xasan Faarax maxamed ayaa sii ah macalinka goolhaye yaasha qaranka oo aan la badalin.

“Maadama cayaaro badan oo caalami ahay nagu soo wajahanyihiin diyaar garow adagna loobaahan yahay waxaa la go’aamiyay in la magacaabo macalimiintan, waxaana u rajeyneynaa in ay masuuliyada ay xambaareen ay si weyn u gutaan”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka xiriirku soo saaray.

Kabtankii hore Yuu Cali ayaa ka mid ahaa 30 macalin oo da’yar oo bishii Augsut ee sanadkii hore tababar caalami ah oo heer sare ah FIFA ugu qabatay dalka Jabuuti.

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Siciid Maxamuud Nuur Mugaabe ayaa u hambalyeeyay macalinka da’da yar wuxuuna ku booriyay in uu dadaalkiisa sii laba jibaaro madaama uu masuuliyad culus oo qaran xambaaray.

 Somali Football Media Department

+2521 600000 Telephone

+2521 600601 Fax



Leave a comment