Jose Mourinho “Waan ka tagayaa n Inter, waxaana aadayaa Real Madrid “

Sunday May 23, 2010 - 12:34:19
0 Comments
2398
Shaafici Muxyidiin
Macalinka naadiga kubada cagta Inter Milan ee dalka Talyaaniga Jose Mourinho ayaa ku dhawaaqay in uu ka tagi doono naadiga Inter kadib markii uu naadigan gaarsiiyay taariikh weyn oo ah in uu qaaday koobka Champions League oo cayaartii finalka ahayd ay xalay ka dhacday magaalada Madrid.


"Shaqadii aan ka hayay halkan Inter way dhamaatay, waxaana naadigan la gaaray taariikh weyn, waxaana ku biirayaa naadi kale oo weyn”ayuu yiri Mcalinka Inter sii sagootinaya Jose Morinho.

 

“In aan ka hortago naadiga Barcelona Spain gudeheeda,waxaa ay noqon doontaa loolan adag”ayuu u sheegay telefishinka Rai Sport kaib cayaartii xalay.

 


"Aad ayaan u faraxsanaa intii aan Inter joogay, laakin kuma faraxsanayn ku dhex jirka kubada cagta Talyaaniga, ma jecli hadalada ay sii daayaan guddoomiye yaasha, macalimiinta iyo waxyaabaha ay qoraan jaraa’idyada talyaaniga,laakin waligey waan jeclaan doonaa Inter”ayuu yiri Joe Morinho.

 

“Waxaan u mahadcelinayaa  kubad cagta Talyaaniga, sababtoo ah waxaan  u noqday macalin aad u wagnaagsan ,laakin hada waxaa la gaaray xiligii aan maalin ama laba maalin oo kale qaadan lahaa si aan uga fekero tartamo cusub oo aan ku galo dal kale”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay Mroinho.

 

“Wax kasta oo aan hayay waan ku bixiyay kooxdan, waxaana u maleynayaa in aan xor u ahay in aan qaato go’aan mustaqbalkeyga ah”ayuu mar kale yiri Jose Morinho oo sheegay in uu doonayo in uu noqdo macalinka ugu horeeya ee ku guuleysta Champions League-ga isagoo jooga dalka spain,taas macneheedu waxaa uu yahay in kooxda Real uu gaarsiin doono sanadka dambe in ay koobka qaado.

 

Source: goal.com

 

Somali football Media Department

+2521 600000   Telephone

+2521 600601 Fax

Email: Somali football media department



Leave a comment