Masar oo Soomaaliya ugu hambalyeysay usoo bixitaanka wareega 2-aad ee cayaaraha dhalinyarada Afrika

Sunday May 09, 2010 - 20:48:16
0 Comments
2307
Shaafici Muxyidiin
Iyadoo qorshuhu yahay in xulka da’yarta Soomaaliya ay isku dhcaan dhigooda dalka Masar wareega 2-aad ee caayaraha dhalinyarada Afrika ee da’doodu ka yartahay 17-ka sano ayaa xiriirka kubada cagta dalka Masar waxaa uu Soomaaliya ugu hambalyeeyay usoo gudbitaanka wareega 2-aad ee tartanka.


Warqad offishal ah oo loo soo diray xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta maanta oo Axad ahna loo qeybiyay saxaafada ayaa xiriirka Masar waxaa uu ku sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu xulka Soomaaliya kusoo dhaweeyo magaalada Qaahira ee dalka masar kadib markii Soomaaliya ay wareega 2-aad usoo gudubtay.

“Waxaan ku faraxsanahay in xulka 17 jirada ka yar ee Soomaaliya aan kusoo dhaweyno Qaahira oo halkana kula cayaarno”ayaa lagu yiri qoraalka hambalyada ah ee xiriirka kubada cagta dalka Masar uu soo gaarsiiyay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.

“Xiriirka kubada cagta dalka Masar waxaa uu masuul ka noqon doonaa jiifka, cunada iyo wax kasta oo ku baxa xulka Soomaaliya inta ay joogaan Qaahira”ayaa lagu yiri qoraalka lasoo gaarsiiyay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.

Bishii lasoo dhaafay ayaa xulka da’yarta Soomaaliya ay usoo gudbeen wareega labaad kadib markii ay kala jebiyeen dhigooda dalka Kenya, waxaana hada lagu wadaa in Soomaaliya ay is arkaan xulka masar sida ku cad isku aadka ururka CAF uu soo saaray.

Somali Football Media Department

 

+2521 600000 Telephone

+2521 600601 Fax

 

Email:Somalifootballmedia@gmail.com

 

 



Leave a comment