Hadal heynta cayaarihii dhex maray Xulalka da’yarta soomaaliya iyo Keenya oo wali socota.

Friday May 07, 2010 - 11:25:17
0 Comments
1973
Shaafici Muxyidiin
Wali waxaa si aad ah loo hadal hayaa tartamadii kubada cagta ee dhawaan dhex maray dalalka soomaaliya iyo Kenya oo xulka qaranka kubada cagta Soomaaliyeed ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ay ka gaareen guul weyn kadib markii dhigooda dalka Kenya ka reebeen tartanka is reeb rebka dhalinyaraa Afrika.


Arrintaas waxaa wali aan ka xiisa dhigin wargeysyada kasoo baxa dalka Kenya iyadoo sidoo kalana Shacabka Kenyanku ay is weydiinayaan su’aasha ah waxa la haray xulkooda oo laba cayaarood oo ay la yeesheen Soomaaliya xitaa u keeni waayeen wax guul u dhow.


Wargeysada kasoo baxa dalka Kenya ee sida aadka ah wax uga qora arrimaha kubada cagta ayaa sii wada qoraalo ku saabsan arrintan waxaana ay wariye yaahu si aad ah u dhaliilayaan xiriirka kubada cagta dalka Kenya oo ay ugu baaqayaan in uu iscasilo maadaama wax la taabankaro uusan qaban.

 

Wargeysyada ayaa ku dhaliilaya xiriirkooda oo heysta dhul nabad ah iyo wax kasta oo ay cayaartoydu u baahnaayeen in uu hos uga dhacay halkii lafilayay halka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo ku shaqeeyay dhul aan nabad ahayn uu lasoo shir tagay cayaartoy aad uga tayo wanaagan kuwa Kenya.

 

Tababaraha xulka da’yarta ee dalka Keyna ayaa sheegay in xulka Soomaaliya ay ahayaayeen kuwo aad u adag oo ku tala galay in ay guul gaaraan “Waxaa ay naga ilaaliyeen xitaa dhaq dhaqaaq in aanu sameyno waana dad diyaar garow xoogan soo galay”ayuu yiri tababaraha Xulka U 17-ka ee dalka Kenya.

  Gool Haye Kamaal Cali Cumar oo qarankiisa difaacaya 

 

SomaliFootball Media Department

+2521 600000 Telephone

+2521 600601 Fax

 

Email:Somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment