Xulka K/Cagta Oo Isku Diyaarinaya CHAN Cup

Thursday January 07, 2010 - 11:54:21
0 Comments
2635
Shaafici Muxyidiin
DJIBOUTI: Xulka Qaranka Kubadda Cagta Soomaaliyeed oo ka qeybgalaya Tartanka isreebreebka koobka loo yaqaan CHAN Cup ee CAF, kaas oo ay tahay markii labaad oo ay Somalia Ka qeybgasho.


Ciyaartoyda ayaa durba markii ay soo gaareen dalka Jabuuti  waxa ay tababar ay ku bilaabeen Xarunta Tababarada  ee Jabuuti.

Ciyaarta ugu horeysa ayaa xulka Soomaaliya waxa ay la yeelan doontaa  xulka dalka  martida  yahay  ee Jabuuti  Haddii ay xulka Somalia badiyaan  waxaa ay la ciyaari doontaa  xulka Tanzania  haddii ay suragasho in Somalia ay ka badiso  Tanzania  waxay waajihi doontaa  mid ka mid ah dalalka Galbeed Afrika.

"Tababarka aan soo qaadanay iyo niyad wanaagga ciyaartoyda  iyo kalsoonida aan aniga qabo  marka loo fiiriyo waxaan ku rajo weynahay inaan badino "sidaasna waxaa yiri Macalinka Qaranka  Maxamed Cabdulle  Farayare oo intaasi raaciyay guusha  iyo guuldarada in ay tahay wax alle xaggiisa ka qoran.

Tartankan CHAN Cup ayaa ah tartan ku kooban oo keliya ciyaaryahanada Qaramada ee aan ahayn xirfadlayaasha dibadaha ka ciyaara.

 

Somali Football Media department

Email:somalifootballmedia@gmail.com

+25250 969815 Cell

+2525 936226 Office

+2521 600601   Fax



Leave a comment