Jaabir Bin Xayaan oo qaaday Koobkii Dugsiyada

Friday November 20, 2009 - 10:19:09
0 Comments
3073
Shaafici Muxyidiin
Dugsiga Jaabir Bin Xayaan ayaa shalay ku guuleystay tartankii loo qabtay dugsiyada gobalka Banaadir ee uu soo qaban qaabiyay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta laguna maamuusayay maalinta macalinka Soomaaliyeed oo barri ku beegan

Tartankan ayaa lagu waday in ay kaqeyb galaan dhamaan dugisyada gobalka Banaadir laakin hada 8 dugsi oo keliya ayaa ka qeyb galay iyadoo sababtuna ay tahay Magaalda Muqdisho oo iskuuladii iyo caruurtii dhiganeysayba ay ka barakeceen inta badan.

 

Cayaartii kama dambeysta ahayd ee shalay ayaa waxaa isugu soo haray dugsiyada kala ah Al Mathal iyo Jaabir Bin Xayaan waxaana cayaartaas oo ahady mid aad u adag ay kusoo idlaatay daqiiqadihii loogu talagalay 3-2 oo ay guushu ku raacday cayaartoydii ku dheeleysay magaca dugsiga Jaabir Bin Xayaan.

 

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Siciid Maxamuud Nuur Mugaabe ayaa wariye yaasha u sheegay in ujeedka tartankan loo qabtay ay tahay in loogu googol xaaro dib usoo nooleynta tartamaduii dugsiyada dalka, iyadoo dugsiyadu ay ahaayeen meelaha ugu badan ee cayaartodya Soomaaliyeed lagasoo bar bariyay.

 

Shalay ka hor intii aanay cayaartu bilaaban ayaa waxaa la arkayay taageerayaasha iyo ardayda labada iskuul oo isu goodinaya mid walibana kan kale ku leeyahay “Dhulka ayaan madaxa kuu dhigi doonaa koobkana anaga ayaa leh” laakin gari laba nin kama wada qoslisee waxaa koobkii la tagay iskuulka Jaabir Bin Xayaan.

 

By Cabdi Xakiin Cusmaan Diiriye

 

Somali Football Press Department

 

Email:somalifootballmedia@gmail.com

 

+25250 969815 Cell

+2525 936226 Office

+2521 600601    Fax

 

 



Leave a comment