Ururinta Keyd taariikheedka garsoorka Cayaaraha Soomaaliyeed oo la bilaabay.

Friday September 11, 2009 - 12:37:52
0 Comments
3430
Shaafici Muxyidiin
Waxaa la bilaabay ururinta keyd taariikheedka garoorka cayaaraha kala duwan ee Soomaaliyeed, iyadoo ilaa iyo hada ku dhawaad 5 garsoore ay soo gudbiyeen warbixino taariikhdooda ka hadlaya iyo sawirro,sidaa daraadeed dhamaan garsoorayasha cayaaraha kala duwan ee Soomaaliyeed ee ku kala nool dalka gudhiisa iyo dibadiisa, kuwa shaqeeya iyo kuwii shaqada ka fariisratyba waxaa lala socodsiinayaa in in ay arrintaas soo da dajiyaan.


Hadaba waxaa garoorayasha meel kasta oo ay joogaanba lagu war gelinayaa in ay soo gudbiyaan warbixin ku saabsan taariikh nololeedkooda iyo swirro si loogu diiwaan geliyo keyd taariikheedka garoorska cayaaraha kala duwanee sooamaliyeed oo hada la bilaabay in la aruuriyo.

Sida lala wada socdo waxaa caalamka daafihiisa ku kala firirsan garoorayaal Soomaaliyeed kuwo hore iyo kuwo hada shaqeeyaba waxaana bahda garsoorka Soomaaliyeed iyo ururka saxafiyiinta isboortiguba ay ku howlan yihiin sidii loo sameyn lahaa keyd taariikheed rasmi ah oo garoorka cayaaraha kala duwan ee Soomaaliyeed ay leeyihiin, waxaana lagama maarmaan ah in la helo kuwa taariikhohoodu hada naga maqan yihiin.

Arrintan waxaa gacan weyn ka geysanaya Xasan Wiish oo ah garoore Danish-Somaili oo heerka labaad kada kasoo gudbay,waxaana muhiimadu ay tahay in la helo keyd rasmi ah oo loogusoo hagaago taariikhda garsoorayaasha cayaaraha kala duwan ee Soomaaliyeed,sidaa darteed waxaa dhamaan garsoorayasha Soomaaliyeed laga codsanayaa in ay soo gudbiyaan taariikkhdooda iyo sawiradooda.

Waa markii ugu horeysay ee taariikhda inta la ogyahay la bilaabo ururinta keyd taariikheedka garsoorayaasha cayaaraha kala duwan ee Soomaaiyeed oo dhawaana loosameeyay website u gaar ah.www.somalireferee.com

Hadaba garsoorihii qoraal iyo sawirro soo diraya waxaa uu kusoo hagaajin karaa cinwaanadan :somalireferee@hotmail.com,somalisportspress1@hotmail.com iyo agodah@hotmail.com

By Shaafici Muxuyadiin

Somali sports press association



Leave a comment