Koox Soomaaliyeed oo ka badisay kooxda swellendam ee S/ Africa

Wednesday July 08, 2009 - 09:45:13
0 Comments
3027
Shaafici Muxyidiin
Xulka kubadda cagta jaaliyadda soomaalida Magaaada George ee dalka South Africa ayaa 4-3 ugu awood sheegtay kooxda magaaada swellendam ka gadaal ciyaar kulul oo ku dhex martay garoonka lagu magacaabo stadium George.


Waxaa ciyaarta bilowgeedii dardar la soo baxay kooxda swellendam oo soo bandhigtay ciyaar wanaagsan oo Niyad Jab hoose ay ka qaadeen taageerayaasha  Kooxda  Somalida George.

daqiiqadii 19-aad ayaa ciyaaryahanka lambarka 8-aad ee Xulka Swellendam uu Gool Xaraga Leh Ka Dhaliyey  Gool Hayaha Kooxda Somalida George Kadib Markii uu fursad qaali ah uu ku helay kubadda.

Weerar Celis Xoog leh oo ay Sameeyeen Kooxda Somalida George ayaa usuurta geliyay Ciyaarta qeybteedii hore marka ay ka ka harsanayd 5 daqiiqo in ay dhaliyaan goolkii bar bar dhaca labada Kooxood.

Si kastaba ha ahaatee ugu dambeyn Ciyaarta oo Ahayd Mid Kulul Ayaa Ku dhamaatay 4-3 oo ay guushu ku raacday xulka jaaliyada Soomaalida,waxaana durbadiiba ay dad weynaha Soomaaliyeed ee dalka koofur Afrika ku nooli bilaabeen dabaal dagyo ay guushooda kusoo dhaweynayaan.

Tababaraha kooxda Soomaalida oo dhamaadkii cayaarta kadib gudaha garoonka saxaafada kula hadlay Maxamuud Maxamed oo lagu naaneeso Mr. Xandule ayaa sheegay in kooxdiisu ay leedahay karti cayaareed iyo tababar ay magaca Soomaaliya ku difaacan karto waxaana uu garoonka ka baxay isagoo wajigiisa laga dareemi karyay farxad aad u weyn.

 

Taariiqda Kooxda Jaaliyadda Soomaalida George

Kooxdaan Waxaa La, Aas-aasay 5-06-2004 Waxaana taba barihii ugu horeeyay ee kooxda noqday macalin la oran jiray Siciid oo runtii kooxda gaarsiiyay horumar weyn.

Inkstoo Kooxda Ay Soo Martay Mar xalado Kala Duwaan ayaa hadana xagga Maaliyadda Waxaa Gacan Ka geystay ganacsatada Soomaalida ee Magaalada George South Africa.

Naadigan ayaa Waqtiyadii ugu Dambeeyey La ciyaaray xualka magaalooyinka kala ah Porth Elizabeth (PE). Groot-brak. Mossalbay. Iyo Swellendam, waxaana xulka jaaliyada Soomaalidu uu guulo ka gaaray dhamaanba cayaaro kaa duwan oo uu la yeeshay xulalka magaalooyinkan.

By Mustafa Hassan Wabah

Senior Journalist

Mustafaxasan737@hotmail.com

+27735137388

Somali football Media Department

 

Email: somalifootballmedia@gmail.com

 

+2525-0-969815 Cell

+2525 936226   office



Leave a comment