Garsoorayaasha kubada cagta Soomaaliya oo loo qabtay Seminaar

Tuesday December 23, 2008 - 14:12:20
0 Comments
2254
Shaafici Muxyidiin
Manta ayaa hotelka Jeddah ee magaalada Muqdisho waxaa ka furmay seminar ay ka qeyb qaadanayaan 27 garsoore oo ah kuwa heerka koobaad ee kubada cagta Soomaaliya waxaana seminaarkaas lagu baranayaan duruus ku saabsan shuruucda cusub ee garsoorka kubada cagta aduunka.


Munaasabadii furitaanka seminarkaas ayaa waxaa khudbado ka jeediyay masuuliyiin ka kala tirsan xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta iyo guddiga Olombikada Soomaaliyeed,kuwaas oo dhamaantoodba mujiyay sida ay muhiimka u tahay xilligan in garsoorayaashu ay qaataan tababar noocan oo kale ah.

 

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Siciid Maxamuud Nuur Mugaabe oo munaasabadii furitaanka seminaarkaas ka hadlay ayaa sheegay in tani ay qeyb ka tahay talaabooyin xaga horumarinta ah oo uu xiriirku dhawaanahanba waday siina socon doona.

 

Waxaa uu guddoomiyuhu intaa ku daray in seminaarkan oo socon doona muddo sadex maalin ah markii uu dhamaado kadib uu xiriirku qorsheynayo in uu seminaar xaga maamulka ah u qabto guddoomiye yaasha iyo xoghaye yaasha 25-ka naadi ee hoos yimaada xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.

 

“Saxaafadu waxaa ay qeyb ka qaadataa dhiiri gelinta cayaaraha sidaa daraadeed waxaan aniga oo ah guddoomiyaha xiriirku ku dhawaaqayaa in bisha Janaayo ee inasoo aadan uu xiriirku seminaar u qaban doono wariye yaasha ka faalooda arrimaha isboortiga gaar ahaana kubada cagta”ayuu yiri guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Siciid Maxamuud Nuur oo sheegay in ujeedada seminaarkaas loo qaanayo in ay tahay in wariyeyaashu ay wax badan ka ogaadaan shuruucda kubada cagta ,si ay ula jaan qaadaan dhaq dhaqaaqyada kubada cagta dalka Soomaaliya.

 

Waxaa kaloo uu guddoomiyuhu sheegay in sidoo kale seminaar loo qabanayo maamulada kubada cagta ee degmooyinka gobalka Banaadir taas oo ay tahay markii ugu horeysay ee uu xiriirku talaabada ceynkaa ah qaado.

 

Waxaa kaloo halkaa ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka koobaad ee xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed Mudane cali Siciid Guuleed oo sheegay in xiriirku uu soo maray waqtiyo ad adag oo dhibaato badan walina ay dhibaatadu dalka ka taagan tahay laakin ay ka go’antahay madaxda xiriirka in ay dhaliyaan horumar inta haatan la heysto ka balaaran si caalamka wax loola qeybsado.

 

Yuusuf gacal Axmed oo xubin ka ha xiriirka Soomaaliyeed  ee kubada cagta horayna usoo ahaa macalin sare ayaa isna munaasabadii furitaanka seminaarkaas ka hadlay waxaana uu sheegay in xiriirku uu balan qaadayo tababarada noocan oo kale ahi in ay sii socdaan.

 

Ugu dambeyntii ku simaha guddoomiyaha GOS Aadan Xaaji Yabarow wiish oo munaasabada ka hadlay ayaa ku dhawaaqay in seminaarku uu furan yahay waxaana uu hambalyo u diray xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo bilahan dambe muujiyay wax qabad aad u weyn waxaana uu ku simaha guddoomiyuhu tusaale usoo qaatay xulka qaranka kubada cagta Soomaaliya oo muddo sadex bilood ah ku tababar qaadanayay dalka Jabuuti.

 

“Aniga, xoghayaha guud ee GOS iyo guddoomiye ku xigeenka xiriirka caalamiga ah ayaa dhawaan xulka kula kulanay dalka Jabuuti waxaana aan ka dareemi karnay kalsooni buuxda iyo diyaar garow weyn waxaana rajeyneynaa in ay guul taariikhi ah ka keenaan tartanka CECAFA Challenge Cup oo ay bilahanba u diyaar garoobayeen”ayuu yiri ku simaha guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Aadan Xaaji Yabarow Wiish oo hadal ka jeediyay munaasabadii furitaanka seminaarkan oo sidoo kale masuuliyiintii ka hadashay uu ka mid ahaa guddoomiye ku xigeenka guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee arrimaha xiriirada Xaaji cabdi Cilmi Warsame oo garsoorayaasha ku baraarujiyay waxa ay barteen in ay ugu shaqeeyaan si daacad ah shacabka Soomaaliyeed.

 

Munaasabada ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiinta kala ah :ku simaha cayaaraha Fudud Cabdi Kariin Dilixow Jimcaale, guddoomiyaha xiriirka kubada gacanta Soomaaliya Maxamed Xuurshe xasan Eenow, guddoomiyaha xiriirka Feerka Xaaji maxamed Axmed Colow, guddoomiyaha xiriirka kubada laliska Prof Maxamed Cali cadow, Kaaliyaha xoghayaha xiriirka kubada cagta Abuukar Islow Xasan, iyo cabdirashiid Xuseen Cadow oo xubin ka ah xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.

 

Seminaarka ayaa waxaa macalimiin ka ah khabiirada kala ah Xasan Maxamed Maxamuud (Farey), Aweys Axmed Jimcaale iyo Xaxan Sheylilah Cadde waxaana uu socon doonaa muddo sadex maalin ah.

 

 

Somali Football press Department

 

Contact: Somalifootbalmedia@gmail.com



Leave a comment