Xulkka qaranka Soomaaliyeed oo u diyaar garoobaya ka qeybgalka tartanka Cecafa Senior Challenge Cup

Monday December 22, 2008 - 18:55:59
0 Comments
2090
Shaafici Muxyidiin
Xulka qaranka Soomaaliya ayaa ku jira diyaar garowgii ugu dambeeyay ee loogu diyaar garoobayo taranka CECAFA Senior Challenge cup oo dabayaaqada bishan ka bilaaban doona dalka Uganda.


Cayaartoyda Soomaaliya oo sanadkan aad moodo in ay si weyn usoo diyaar garoobeen ayaa waxaa ay sadexdii bilood ee ugu dambeysay tababar ku qaadanayeen dalka Jabuuti maadaama magaalada Muqdisho garoomadii ay ku tababar qaadan lahaayeen midkood ay ciidamo dagan yihiin halka midka kalana uu dhisme ku soconayo.

 

Xulka qaranka Soomaaliyeed oo ay ku jiraan ku dhawaad 10 cayaaryahan oo dibadaha laga keenay ayaa waxaa ay 1-da bisha Janaayo ee inasoo aadan cayaarta ugu horeysa la yeelan doonaan dalka Zanzibar,waxaana kabtankooda Cadbul Qaadir Sh Cusmaan Bakiyaa uu sheegay kalsooni buuxda in ay ku qabaan guul weyn in ay lasoo hoydaan.

 

Cayaaruhu waxaa ay socon doonaan 31-December-13 January 2009 waxaana Soomaaliya ay group-ka A kula jirtaa dalalka kala ah: ZANSIBAR, TANZANIA, UGANDA IYO RWANDA, halka Kenya, Burundi, Sudan, Zambia iyo Djibouti ay ku wada jiraan group-ka B.

 

Xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyed ee kubada cagta Cabdi Qani Siciid Carab iyo Yaxye Abuukar oo xubin ka ah guddiga fulinta xiriirka Soomaalayeed ee kubada cagta ayaa cayaartoyda Soomaaliya ku hayay dalka Jabuuti sadexdii bilood ee lasoo dhaafay,waana markii ugu horeysay ee xulka qaranku ay tababar muddo intaa la eg ku qaataan dalka dibadiisa.

 

Dalka Soomaaliya waxaa uu dowlad la’aan ahaa muddo ku dhow 20 sanadood  oo ay bur bursanaayeen dhamaanba adeegyadii guud ee dalka laakin mudadaas waxaa dhisnaa isboortiga Soomaaliya iyadoo guddiga olobimadka Soomaaliyeed iyo xiriiradiisu ay ku guuleysteen in ay calanka Soomaaliya ka dhex babiyaan kulamada isboorti ee caalamiga ah.

 

 

Somali Football press Department

 

Contact: Somalifootbalmedia@gmail.com



Leave a comment