Meydka guddoomiyihii hore ee kubada cagta Soomaaliya Faarax Sendiko oo Maanta Muqdisho la keenay berri-na lagu aasayo

Monday November 24, 2008 - 21:10:12
3 Comments
2923
Shaafici Muxyidiin
Waxaa maanta la keenay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya Meydka guddoomiyihii hore ee kubada cagta Soomaaliya Marxuum Faarax Wehliye Caddow (Faarax Senidko) oo habeenkii Arbacada ee lasoo dhaafay ku geeriyooday Magaalada Qaahira ee Dalka Masar.

 

Meydka Marxuumka ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Muqdisho geysay Diyaaradda Africa Airways, waxaana la socday Ehelada Marxuumka, gaar ahaan xaaskiisa iyo Caruurtiisa oo ka soo kala raacay Qaahira iyo Dubai.

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta si weyn u buux-dhaafiyay dad badan oo isugu jiray Ehellada marxuumka, Bahda Isboortiga qeybaheeda kala duwan iyo weliba dad aan Isboortiga ehel u ahayn, hayeeshee yaqaanay marxuum Faarax Sendiko.

Garoonka Diyaaradaha Muqdisho waxaa dadkii isugu yimid la hadlay ku simaha Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed (GOS), ahna Guddoomiye ku xigeenka GOS Aadan Xaaji Yabarow Wiish oo sheegay in Faarax uu ahaa halyey Isboorti oo Umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Bahda Isboortiga ay tebi doonaan, wuxuuna sheegay in wanaaggiisii laga dareemi karo inta isugu timid soo dhaweynta meydkiisa.

 

Sidoo kale Guddoomiyaha xiriirka kubada cagta Soomaaliya Siciid Maxamuud Nuur Mugaabe ayaa isna la hadlay dadkii isugu yimid soo dhaweynta meydka Faarax Sendiko,waxaana uu sheegay in xiriirka kubada cagta Soomaaliya oo Faarax u bari guddoomiye ka ahaan jiray uu haatan ku jiro maalmihii murugada.

Ugu dambeyntiina, Meydka Faarax Sendiko waxaa maalinta berri ah lagu aasi doonaa Qabuura Xaaji Dalfac ee ku yaala nawaaxiga Hotelka Ramadaan ee Magaaalda Muqdisho, waxaana loo aasi doonaa si Heer Qaran ah,sdia ay sheegeen masuuliyiinta guddiga olombikada iyo xiriirka Soomaaliyed ee kubada cagta.

Salaada Janaasada ayaa waxaa meydka lagula dukan doonaa garoonka kubada cagta ee Stadium Banaadir,sida uu sheegay guddoomiyaha xiriirka kubada cagta Soomaaliya Siciid Mugaabe.

 

Somali football press department

 

Contact:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment