Soomaliya oo sadex dhalinyaro ah u dirtay barnaamijka F4F ee Moscow ka dhacaya

Friday June 08, 2018 - 01:20:55
2 Comments
2044
Super Admin
Xiriirka kubada Cagta Soomaaliya ayaa maanta oo khamiis ah 6-da June u diray magaalada Moscow ee dalka Ruushka sadex cayaaryahan oo dhalinyaro ah oo ka qeyb geli doona barnaamijka saaxiibtinimada kubada cagta.


Wafdiga Xiriirka kubada cagta Soomaaliya ka socda ayaa waxaa hogaaminayay Yuusuf Xuseen Muumin oo xubin ka ah xiriirka, waxaana sadexda cayaaryahan ee da’yarta ah ay kala yihiin: Cabdiraxmaan Maxamuud Jaamac, Cabdulaahi Cali Xasan iyo Zakariye Axmed Maxamed. Sadexda wiil ayaa ka mid ahaa cayartoyda xulka qaranka U-17 ee tariikhda ka sameeyay cayaarihii CECAFA ee bishii lasoo dhaafay dhacay kadib markii ay Soomaaliya gaarsiiyeen Finaalka CECAFA markii ugu horeysay taariikhda.



Barnaamijka Saaxiibtinimada kubada cagta ayaa waxaa uu isu keeni doonaa dhalinyaro ka kala socota 211 dal oo xubno ka ah FIFA, waxaana uu ka dhacayaa dalka Ruushka inta u dhexeysa 8-da ilaa 15-ka June. Barnaamijka saaxiibtinimada kubada cagta ayaa ah isu imaatin bulshadeed caalami ah oo loo qabanayo caruur ka kala timid caalamka waxaana maal gelineysa shirkadda Gazprom oo sanadkan taageereysa koobka aduunka ee lagu qabanayo Ruushka.


Ujeedada ugu weyn ee barnaamijka F4F ayaa ah in leysu keeno dad da’ yar ah oo aduunka oo dhan ka kala socda si loo horumariyo saaxiibtinimada, nabada, sinaanta, is dhex-galka dhaqameedka iyo is xushmeyn.


Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xiriirka kubada cagta Soomaaliya Cali Cabdi Maxamed oo wafdiga Soomaaliya diray ayaa sheegay in barnaamijkani uu dhalinyarada u abuuri doono fursad is barasho iyo saaxiibtinimo iyadoo loo marayo kubada cagta, isagoo intaa ku daray in ka qeyb galka barnaamijkani uu Soomaaliya muhiimad weyn u leeyahay.


"Soomaaliya waligeed kama qeyb galin koobka aduunka, sidaa daraadeed dhalinyaradani waa kuwa ugu nasiibka badan Soomaalida, sababtoo ah waxay fursad u helayaan in ay soo arkaan koobka aduunka. Waxay barnaamijka saaxiibtinimada kubada cagta kasoo kororsan doonaan khibrad iyo aqoon”ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xiriirka kubada Cagta Soomaaliya Mudane Cali Cabdi Maxamed.

 


Somali Football Federation Media Department

Email:info@somsoccer.com



Leave a comment