Marxuum Faarax Sendiko halgamaa darajo sare ka gaaray isboortiga gudaha iyo dibada (Taariih nololeedkiisii) “Baroor diiq sadex maalin ah oo looga dhawaaqay xarunta xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed”

Thursday November 20, 2008 - 09:11:07
4 Comments
2524
Shaafici Muxyidiin
Alle ha u naariistee Guddoomiyihii hore ee kubada cagta Soomaaliya iyo guddiga Olombikada Soomaaliyeed faarax Wehliye Cadow Sendiko ayaa xalay abaara 10:30 habeenimo waxaa uu ku geeriyooday magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar,isagoo dhawaana kasoo laabtay dalka Mareykanka.

Farax waxaa uu ahaa nin meel sare ka gaaray isboortiga aduunka,taariikhdiisuna ma ahan mid hal ama laba qormo oo keliya looga shekeyn karo laakin waxaan aqristeyaasaheena usoo gudbineynaa inta aanu ka ognahay oo aanu isaga kala sheekyesanay intii uu noolaa mar uu magaalada Muqdisho yimid 2001-dii

  

Sida uu noo sheegay Faarax sendiko wuxuu ku dhashay magaalada muqdisho sanadkii 1940 kii , yaraantiisii ayuuna aad u jeclaa ciyaaraha gaar ahaan kubada cagta ,waxaana ku dhiiri geliyay abtigii xaaji dalfac,sanadkii 1956 kii ayuuna ka mid noqday kooxda shangaani oo seria B aheyd, isla sanadkaas wuxuu ku biiray ciyaarta feerka oo xiligaas xiiso badan laheyd, halka uu 1960 uu ka mid noqday ciyaartoyda heerka labaad seria B ee boondheere, faarax sendiko wuxuu ka mid ahaa 13 kii qof ee gumeysigii talyaaniga kala waregay groonka kubada cagta banaadir EX STADIO CONI .

  

Faarax sendiko wuxuu ciyaaraha ka fariistay sanadkii 1962 kii kolkii uu jilib wax ka noqday, wuxuuna u wareegay dhinaca garsoorka kubada cagta, 1963, kii ayuuna noqday garsoore heerka labaad , halka uu 1967 u dalacay garsoore heerka koowaad , sanadkii 1969 kiina wuxuu noqday garsoore heer caalami ah,faarax sendiko 1972 kii wuxuu noqday madaxa isboortiga iyo dhalinyarada ee degmada boondheere .

  

sanadkii 1975 kii wuxuu md. sendiko noqday gudoomiye ku xigeenka xiriirka soomaaliyeed ee kubada cagta iyo xubin gudiga olombikada soomaaliyeed, halka uu sanadkii 1978 kii ka noqday gudoomiyaha xiriirka soomaaliyeed ee kubada cagta iyo waliba gudoomiye ku xigeen gudiga olombikada soomaaliyeed, wuxuu kaloo isla sanadkaas 1978 kii xubin ka noqday xiriirka kubada cagta ee bariga iyo bartamaha afrika ( CECAFA ).

  

sanadkii 1980 kii wuxuu md. sendiko xubin ka noqday gudigii joogtada ahaa ee xiriirka kubada cagta qaarada afrika ( CAF ),halka uu sanadkii 1984 kii ilaa 2004 xubin ka ahaa gudiga fulinta xiriirka kubada ee jaamacada carabta, dhinaca kale sanadkii 1988 kii ayuu faarax sendiko xubin ka noqday gudiga fulinta xiriirka kubada cagta ee qaarada afrika ( CAF ),wuxuu kaloo isla sanadkaas noqday gudoomiyaha garsoorayaasha afrika iyo waliba xubin gudiga garsoorayaasha kubada cagta ee aduunka FIFA .

  

Sanadkii 1993 bur burkii dowladnimada kadib ayaa faarax sendiko loo doortay gudoomiyaha xiriirka soomaaliyeed ee kubada cagta iyo waliba gudoomiyaha gudiga olombikada soomaaliyeed GOS ,halka 19 kii janaayo 2000 loo doortay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xiriirka kubada cagta ee qaarada afrika CAF , wuxuuna faarax sendiko kulansaday jagooyin fara badan oo muhiim ah kuwaas oo kala ah gudoomiyaha xiriirka soomaaliyeed ee kubada cagta, gudoomiyaha gos, gudoomiyaha xiriirka kubada cagta ee bariga iyo bartamaha afrika CECAFA, gudoomiyaha garsoorayaasha afrika iyo waliba gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xiriirka kubada cagta ee qaarada afrika CAF.

  

Alle ha u naariiostee Faarax Wehgliye Cadow Sendiko waxaa jiritankii noloshiisu uu ku ekaa xalay abaara 10:30 daqiiqo xiliga geeska Afrika oo uu ku dhintay magaalada Qaahira.

 

Dhanka kale xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Cabdi qani Saciid Carab ayaa waaxda warfaafinta xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed u sheegay in baroor diiq mudo sadex maalin ah loo sameyn doono guddoomiyihii hore geeridiisa,waxaana uu xoghayuhu intaa ku daray in mudadaasi hoos loo dhigayo calanka Soomaaliyeed ee ka dul babanaya xarunta xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed taas oo lagu xasuusanayo guddoomiyihii hore ee isboortiga Soomaaliyeed.

 

Sidoo kale buuga tacsida guddoomiyihii hore ayaa laga furay xarunta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta

 

Maanta gellinka dambe ayaa hal daqiiqo oo aamusnaan ah lagu xasuusan doonaa Faarax sendiko marka ay magaalada Garowe ka bilaabanayaan cayaaraha kubada cagta ee gobalada Puntland sida uu xoghayaha xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed sheegay.

 

Somali football press department

 

Contact:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment