Shaafici islow oo lekjar u jeedin doona Madaxda warfaafinta kubada cagta Afrika.

Sunday December 11, 2016 - 22:43:41
0 Comments
2413
Super Admin
Xiriirka kubada cagta Qaarada Afrika ee CAF ayaa usoo wakiishay agaasimaha xafiiska warfaafinta xiriirka kubada cagta Soomaaliya Shaafici Islow in uu muxaadiro u jeediyo madaxda warfaafinta xiriirada kubada cagta 54-ta dal ee Afrika marka ay isugu yimaadaan kulan ka dhacaya dalka Cameroon dabayqaada todobaadkan.


Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Cabdiqani Saciid Carab oo hadlayay kaddib marki CAF xiriirka kusoo war gelisay in Shaafici uu muxaadiradaa tariikhiga ah ka jeedin doono kulanka ka dahcaya Cameroon ayaa yiri " Sharaf ayay u tahay xiriirka iyo guud ahaan Soomaaliya si gaar ahna warbaahinta ka faaloota arrimaha sportiga in Soomaaliya la siiyo fursada noocan oo kale ah. Sida aad la socotaan shaafici laba jeer oo CaF qiimeyn sameysay labadiijeerba isaga ayaa kusoo baxay kaalinta 1-aad, hadana waxaan rajeyneynaa in uu meel wanaagsan sii gaaro, talaabooyinka horumarka leh ee uu sameynayo ayaana nagu dhiiri gelinaya in aan ku gacan siino hamigiisa ah in uu meel sare sii gaaro. Isagoo yar ayaan shaqadan kubada cagta kusoo bar baarinay horumarka uu sameynayana aad ayuu ii farxad gelinayaa”ayuu yiri guddoomiye Cabdiqani Saciid Carab.



Qodobada muhiimka ah ee uu shaafici islow uga hadli doono muxaadaradiisa ayaaw axaa ka mid ah;

·Sida loo horumarin karo saxaafada Isboortiga Afrika.

·Waxyaabaha looga baahan yahay saxafiga arrimaha Isboortiga in uu ku baraarugsanaado.

·Qaabka ay u shaqeyso saxaafada Isboortiga Soomaaliya.

·Kaalinta warbaahinta Isboortigu ku leedahay horumarinta kubada cagta dalka

·Sida ugu wanaagsan ee saxaafada Isboortiga loogu adeegsan karo horumarka kubada cagta qaarada Afrika iyo arrimo kale.


Talaabadan ayaa dhanka kale waxaa lagu tilmaami karaa guul weyn oo usoo hoyatay saxaafada Isboortiga dalka Soomaaliya maadaama qaabka ay u shaqeeyaan iyo horumarada ay sameynayaan si gaar ah loogu xusi doono kulanka ay isugu imaanayaan madaxda warfaafinta xiriirada kubada cagta ee 54-ta dal ee xubnaha ka ah ururka CAF.

 


Cumar Ibraahim Cabdisalaam

waaxda warfaafinta xiriirka kubada cagta Soomaaliya.

Email:info@somsoccer.com


Leave a comment