Xoghayaha Xiriirka oo u amba baxay shirka CECAFA

Wednesday November 13, 2013 - 16:06:49
0 Comments
2569
Super Admin
Xoghayaha Guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta Cabdi Qani Saciid Carab ayaa maanta u amba baxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaas oo uu kaga qeyb galaya shir weynaha Guddiga fulinta ee ururka kubada Cagta Bariga iyo Bartamaha Afrika ee CECAFA , sidaasi waxaa lagu sheegay war saxaafadeed maanta kasoo baxay xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta.


Shirka Guddiga Fulinta ee CECAFA ayaa diirada lagu saari doonaa ajandayaal dhowr ah oo ay oo ka mid tahay diyaar garowgii ugu dambeeyay ee Kenya, iyadoo kulanka lagu eegi doono in diyaar garowga Kenya uu yahay mid ku filan marti gelinta tartanka oo bilaaban doona 27-ka bishan.

Kulanka CECAFA waxaa kaloo lagu falan qeyn doonaa doorka ka qeybgalka wadamada ka baxsan gobalka CECAFA ee tartanka qaramada bariga iyo bartamaha Afrika.



Sida uu sheegay xoghayaha Guud ee CECAFA Ncholas Musonye ka qeyb galka dalalka dibada ka ah CECAFA ee tartamda ururkani qabto ayaa ah mid xiiso gaar ah u yeeleysa tartamada CECAFA qabato oo sanadkiiba ugu yaraan 2 dal oo CECAFA ka baxsan ay kasoo qeyb galaan.

Ka hor inta tartanka CECAFA aanu ka bilaaban Nairobi ayaa waxaa dhici doonta doorashada guddiga Fulinta ee CECAFA. Soomaaliya waxaa guddiga fulinta ugu jira Cabdi Qani Saciid Carab oo isla markaana ah guddoomiyaha guddiga tartamada ee ururka kubada Cagta bariga iyo Bartamaha Afrika ee CECAFA.

Sanadkan mar kale ayuu Cabdi qani Siciid Carab doonayaa in uu adkeysto booskiisa, doorashada soo socota, waxaana xilkan CECAFA uu soo hayay muddo ka badan 10 sanadood.

Xafiiska Warfaafinta Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta

Email:somalifootballmedia@gmail.com

Leave a comment