Garsooreyaasha CECAFA oo imtixaan maray

Sunday June 16, 2013 - 17:26:02
0 Comments
2500
Super Admin
Iyadoo tartanka CECAFA Kagame Club cup lagu wado in maalinta Salaasada ah ee inasoo aadan uu ka furmo gobolada waqooyiga Darfur iyo Koofurta Gordofan ee dalka Sudan ayaa garsooreyaasha lagu wado in ay cayaaraha dhex dhexaadiyaan waxaa laga qaaday imtixaanka awooda jirka si loo hubiyo in ay tartanka ka bixi karaan iyo in kale.


Cayaarahan ayay tahay markii ugu horeysay ee lagu qabto deegaanada dagaaladu la dageen ee dalka Sudan waxaana xoghayaha guud ee CECAFA Mr Nicholas Musonye oo fikirkan lahaa uu sheegay in ay uga gol leeyihiin nabada in ay ku dhiiri geliyaan.

Mr Musonye oo dhawaan u warramay qeybta warfaafinta ee CECAFA ayaa sheegay in ay qorshaha ugu jirto in dalka Soomaaliyana lagu qabto cayaaraha CECAFA marka uu soo dhamaado dhismaha garoosnka Stadium Banaadir isagoo xusay in uu jiro wada hadal arrintaas ku saabsan oo usocda xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta iyo Ururka CECAFA.



Arrintan ayay aad u fududahay in la hir geliyo maadama Soomaaliya ay 4 xubnood ku leedahay guddiga CECAFA kuwaasoo kala ah Xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed Cabdi Qani Saciid Carab oo ah guddoomiyaha guddiga tartamada CECAFA, Caamir Cabdi Xasan oo ah madaxa dhaqaalaha CECAFA, Shaafici Muxuyadiin islow oo ah madaxa xafiiska war faafinta CECAFA iyo Dr. Xasan Maxamed Maxamuud oo xubin ka ah guddiga garsoorka ee CECAFA, xeer ilaaliye ka tirsan ururka kubada cagta Afrika ee CAF horayna u ahaan jiray Garsoore heer caalami oo FIFA.

Laakin arrinta ugu weyn ee CECAFA ay darseyso ayaa ah amaanka magaalada Caasimada ah ee Muqdisho oo kaddib marka uu dhismaha garoonka Stadium Banaadir dhamaado ay imaandoonaan Madax sar sare oo ka mida FIFA, CAF iyo CECAFA si ay u furaan garoonka islamarkaana u darsaan xaaladaha amaanka.

Imtixaanka ay mareen garsooreyaasha CECAFA ayaa waxaa qaadayay madax ka tirsan guddiga garsoorka ee CECAFA, kuwaas oo sheegay in ay aad ugu qanceen awooda jireed iyo adkeysiga garsooreyaasha oo ay ku jiaan kuwo da’yar sida Suleymaan Sheekh Bashiir oo Soomaaliya ka socda kuna biiray garsooreyaasha caalamiga ah ee FIFA sanadkan.

Laakin Wiish Xaaji yabarow oo bishii December ee sanadkii 2013 loo aqoonsaday garsooraha ugu fiican Gobalka Bariga iyo Bartamaha Afrika lana siiyay abaal marinta sanadka ee CECAFA ayaa wuxuu ka mid ahaa garsooreyaashii hogaaminayay imtixaanka orodka min bilow ilaa iyo dhamaadkiisii, iyadoo sidoo kalana Suleymaan uu safka hore ku jiray.

Garsoore Wiish ayaa kasoo jeeda qoys Isboorti waxaana dhalay Alle ha u naxariistee gudoomiyihii hore ee Olombikada Soomaaliyeed Aadan Xaaji yabarow (Wiish) oo isaga iyo Alle ha u naxariistee guddoomiyihii Kubada cagta Soomaaliya ahaana xubin ururka kubada cagta Africa ee CAF Saciid Maxamuud Nuur ay ku dhinteen qarax is miidaamin ah.

Alle ha u naxariisto waa halgamayaal aanay umada Soomaaliyeed marnaba ilaawi doonin


Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment