Tababarro lagusoo afmeeray Ximan & Xeeb

Saturday November 03, 2012 - 15:45:02
0 Comments
2612
Super Admin
Maamulka Ximan iyo Xeeb ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegay in tababarro dhanka kubada cagta ah oo lagu qabtay Magaalada Cadaado ay sare usii qaadeen rabitaanka kubada cagta ee shacabka ku nool deegaanada uu maamulku ka arrimiyo, taas oo kusoo beegmeysa iyadoo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta uu soo gabagabeeyay koorsooyinka dhinaca garsoorka iyo tababarenimada ahaa oo qeybna ka ahaa barnaamij loogu talagalay in horumarka kubada cagta la gaarsiiyo goballada dalka Soomaaliya oo dhan.

Kaddib markii ay soo dhamaadeen koorsooyinkaas oo muddo 5 maalmood ah soconayay ayaa xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qaani Saciid Carab waxaa uu sheegay in koorsooyinkaasi ay ahaayeen qeybtii labaad ee barnaamijkan horumarinta kubada cagta goballada dalka oo qeybtiisii koobaad bishii April ee sanadkan laga fuliyay deegaanada maamulka Gal-mudug.

"Si loo horumariyo kubada cagta goballada dalka ayaa sanadkii hore waxaa uu xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu dhisay koox gaar ah o lagu magacaabo kooxda duusha oo ka kooban macalimiinta garsoorka, macalimiinta tababarka,xogheynta iyo waaxda warfaafinta oo diyaar u ah in ay u dhaqaaqan gobal kasta oo dalka ka mida si barnaamijkaas ay usoo fuliyaan”ayuu saxaafada u sheegay xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab.

Mr. Carab waxaa uu ka dhawaajiyay in xiriirka Soomalaiyeed eekubad cagta iuyo mamaulka Ximan iyoXeeb ay iska kaashadeen qabsoomida tababaradaas.

"Xiriirka kubada cagtu waxaa uu bixiyay dhamaan qalabka tababarka, qarashka ku baxay safarka madaxda xiriirka iyo macalimiinta, iyo sidoo kale qarash la siiyay ka qeyb galayaasha, halka maamulka Ximan iyo Xeeb uu daboolay qarashka ku baxay amaanka iyo jiifka iyo cunada—waxaan uga mahad celineynaa maamulka saida ay nooga ogolaadeen in tababarkan aan ku qabano deegaanadan”ayuu yiri xoghayaha guud oo sheegay in horaanta sanadka soo socda uu xiriirku tababaro ka fulin doono gobalada koofurta iyo koofur galbeed Soomaaliya hadii xaalada amaan saamaxdo.

Madaxweynaha maamul gobaleedka Ximarn iyo Xeeb Maxamed AadanTiiceey oo ka hadlay munaasabadii gabagabada tababaradaas ayaa sheegay in maamulkiisu uu aad uga galad hayo xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed sida uu kubada cagta ugu macaaneeyay dadka deegaanka.

"Waxaan hubaa in koorsooyinkii aad noo  qabateen ay sare u qaadeen sumacada gobalkeena sidoo kalana ay sare usii qaadeen rabitaanka shacabka deegaanka ee xaga kubada cagta”ayuu yiri madaxweyne Tiicey oo lagu sharfay in tababarkaas uu soo xiro.

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa sheegay in tababarkaas ay ka faa’iideysteen 20 tababare iyo 20 garsoore oo ka kala socda demooyin iyo magaalooyin ka tirsan dhulka hoos yimaada maamulka Ximan iyo Xeeb, waxaana tababaradaas ay socdeen intii u dhexeysay Oct 30-Nov 3 2012.

Tababarka xaga garsoorka ayaa waxaa bixinayay cali Maxamed Axmed iyo Xasan Maxamed Maxamuud (Farey) halka tababarka macalimiintana uu bixinayay agaasimaha waaxda farsamada ee xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed Macalin cawil Ismaaciil Maxamed.

BN: Sawrro dheeri ah ka daaloco qeybt Englishka ee Webka http://www.somsoccer.com/english/view.php?id=555

Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment