CECAFA oo ka tacsiyadeysay Geeridii Xaaji Cabdi

Saturday September 08, 2012 - 15:57:27
0 Comments
2093
Shaafici Muxyidiin
Golaha xiriirada kubada cagta ee ay ku mideysan yihiin wadamada bariga iyo bartamaha Africa ee loosoo gaabsho CECAFA ayaa sheegay in uu aad uga naxay geeridii ku timid Alle ha u naxariistee garsoore hore oo caalami ah Xaaji Cabdi Cilmi Warsame oo xili dambe Khamiistii ku geeriyooday isbitaal ku yaala Magaalada Kuala Lumpur ee dalka Malaysia.


Qoraal tacsi ah oo uu usoo diray xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta Cabdi Qani Saciid Carab ayaa xoghayaha guud ee CECAFA Nicholas Musonye waxaa uu ku muujiyay sida uu uga naxay geeridii ku timid Xaaji cabdi oo hore usoo ahaa garsoore ka tirsan FIFA guddoomiye ku xigeena kasoo noqday xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed.

“Maalin kale oo murugo iyo naxdin leh ayay u tahay dhamaan bahweynta kubada cagta Soomaaliyeed kaddib geeridii Xaaji cabdi—Ururka CECAFA wuxuu Soomaaliya la qeybsanayaa murugada waxaana Alle uga baryayaa in uu geeyo meel qabow”ayuu yiri xoghayaha guud ee xiriirka kubada cagta bariga iyo bartamaha Africa Nicholas Musonye.

Waxaa uu Nicholas Musonye sheegay in ururkiisa CECAFA uu Soomaaliya la qeybsanayo murugada ka dhalatay dhimashadii Xaaji cabdi Cilmi Warsame, isagoo ka dhawaajiyay in Soomaaliya ay CECAFA ka tahay xubin aad u firfircoon oo marna aanan ka maqnaan dhamaan tartamada gobalka iyadoo ay waliba ka jiraan dagaalo sokeeye iyo dhibaatooyin kale oo muddo dheer jiray.

Buuga tacsida oo shalay arroortii laga furay xarunta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa ilaa iyo iminka waxaa saxiixay kumanaan ruux si ay u gudbiyaan tacsidooda uguna duceeyaan marxuum Xaaji Cabdi Alle ha u anxariistee.

Somali Football Federation Media Department

 Email:somalifootballmedia@gmail.com

 



Leave a comment