Elman oo dhufatay Heegan, halka Jeenyo ay ku durdurisay Badbaado

Friday July 06, 2012 - 21:08:30
0 Comments
2585
Shaafici Muxyidiin
Ciyaar lagu macneeyay tii ugu adkeyd tan iyo intii horyaalka Soomaaliya xili ciyaarddeka 2012 uu bilowday muddo iminka bil laga joogo ka hor ayaa kooxda horyaalka difaacaneysa ee Elman waxaa ay maanta oo jimco ah 3-0 dhabarka dhulka ugu dhigtay kooxda Heegan oo ay shiiqday rajadii ay maanta ka lahayd hogaanka tartanka in ay Elman kala wareegto.


Ciyaartii maanta oo Jimco ahayd dhex martay Elman iyo Heegan waxaa ay soo jiidatay dadkii ugu tirada badnaa ee lagu arko garoon ku bada cagta lagu cayaarayo dalka Soomaaliya muddo dhowr sanmadood ah. Wasiiru dowladaha wasaarada shaqada, shaqaalaha, arrimaha bulshada iyo dhalinyarada iyo Isboortiga cabdullaahi Sheekh Cali diplomaasiga weyn Maxamed Axmed Caalim, guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cali Saciid Guuleed Rooble, xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab iyo masuuliyiin kale ayaa ka mid ahaa dadkii ciyaartii galabta daawanayay.

Ciyaartu waxaa ay ahdy mid aad u kulul waxaana labada kooxood mid waliba ay ku hamineysay in ay urursato sadexda dhibcood ee lagu hanto guusha ciyaar kubada cagta ah, laakin si kastaba ha ataatee ciyaartii maanta ayaa ku dhamaatay 3-0 ay guushu ku raacday kooxda Elman.

Weeraryahan Cabdi Kariin Abuukar Nuur ayaa kooxdiisa u dhaliyay goolk,iii ugu horeeyay daqiiqadii 10-aad ee ciyaarta qeybteedii hore kadib markii rigoore loo dhigay, halka Cabdi Caziiz Maxamed Cali Hoomey uu dhaliyay goolkii 2-aad daqiiqadii 42-aad ee qeybta hore.

Goolkaasi waxaa uu ahaa kiisii ugu horeeyay xili ciyaareedkan halka sanadkii hore uu noqday dhaliyihii ugu goolasha badnaa laakin sanadkan ma ahan sidii hore.marka loo eego ilaa iyo hada in uu hal gool oo keliya dhaliyay.

Qeybtii dambe ee ciyaarta daqiiqadii 67-aad ayaa Elman ay heshay gookeedii 3-aad waxaana u dhaliyay cayaaryahanka la yiraahdo Cawil Cabdi Xuseen.

Sida ku cad jadwalka tartanka Sabti iyo Axad waa la nasanayaa maalinta Isniinta ahna waxaa is haleeli doona kooxaha kala ah Banaadir Sports Club iyo Sahafi FC

Si aad ula socoto kala horeynta horyaalka Soomaaliya riix linkiga hoose ee page-ka Soomaaliya ay ku leedahay Website-ka xiriirka kubada cagta aduunka ee FIFA oo ay tahay sanadkii labaad ee kala horeynta horyaalka Soomaaliya lagusoo daabacayo.

http://www.fifa.com/associations/association=som/index.html

Si kastaba ha ahaatee intii ay socotay Ciyaartii Elman iyo Heegan maanta dhex martay waxaa la bixiyay ganaaxyada hoos ku cad.

ELMAN FC

Name

 

Number

 

Minute

 

Date

 

Caution

 

Abdullahi Isse Mahmoud

 

10

 

22nd

 

July 6

 

Y Card

 

Abdikariin Abokar Nur

 

4

 

23th

 

July 6

 

Y Card

 

Abdulkader Ahmed Omar

 

2

 

33th

 

July 6

 

Y Card

 

Ahmed Abdullahi Moalim

 

20

 

70th

 

July 6

 

Y Card

 

Abdullahi Yusuf Osman

 

11

 

62nd  

 

July 6

 

Y Card

 

Abdi Aziz Mohamed Ali

 

8

 

66th

 

July 6

 

Y Card

 

Awil Abdi Hussein

 

22

 

70th

 

July 6

 

Y Card

 

HEEGAN

Name

 

Number

 

Minute

 

Date

 

Caution

 

Osman Yusuf Osman

 

16

 

12th

 

July 6

 

Y Card

 

Mahad Mohamed

 

2

 

54th

 

July 6

 

Y Card

 

Ahmed Abdulkader Dayib

 

17

 

69th

 

July 6

 

R Card

 

Dhanka kale Ciyaartii shalay dhacday ayaa dhex martay Kooxaha Jeenyo iyo Badbaado waxaana 4-0 ay guushu ku raacday wiilashii ku ciyaarayay magaca Kooxda Jeenyo oo hada kaalinta 3-aad ee tartanka ku jirta marka laga soo tago Elman iyo Heegan, halka kooxda Bad- baado oo dhamaan ciyaarihii ay dheeshay lagasoo badiyay ay ku jirto kaalinta tartanka ugu hooseysay.

NB: Si aad u daawato sawirro dheeri ah gal linkiga hoose ee qeybta English-ka e Webka   http://www.somsoccer.com/english/view.php?id=518

Somali Football Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com

 

 



Leave a comment