Garsoore muddo dheer shaqeynayay oo geeriyooday

Saturday October 08, 2011 - 10:48:01
0 Comments
2013
Shaafici Muxyidiin
Xiriirka soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa xaqiijiyay dhimashada deg dega ah ee garsoorihii Futsalka ee heer caalami Maxamed faarax muxuyadiin oo xalay maqribkii geeriyooday kadib markii wadnuhu istaagay.


Xiriirka kubada cagta Soomaaliya ayaa war saxaafadeed uu maanta oo Sabti ah soo saaray waxaa uu ku sheegay in Alle ha u naxariistee Maxamed Faarax uu shaqda garsoorka kusoo dhex jiray tan iyo sanadku markuu ahaa 1988-kii uuna ka mid ahaa garsooreyaashii doorka weyn ka cayaaray tartankii rajo soo celinta ee lagu baabi’iyay qadkii cagaarnaa ee Muqdisho horaantii 1993-kii.

Xiligaas Muqsho waxaa ay ahayd laba qeybood oo ay kala maamulayeen laba hogaamiye kooxeed oo is diidanaa waxaase kala qeyb sanaantaas bur buriyay cayaarihii kubada cagta ee rajo soo celinta loogu magac daray.

War saxaafadeedka xiriirka Soomaaliyeed kasoo baxay ayaa lagu sheegay in baroor diiq looga dhawaaqay xarunta xiriirka taas oo socon doonta muddo 3 maalmood ah oo ka bilaabaneysa maanta oo Sabti ah.

“Waxaa uu ahaa saaxiibkey qaali ah, Maxamed Faarx iyo anigu hal mar ayaan kusoo biirnay garsoorka kubada cagta waxaana ay hayd sandkii 1988-kii—runtii waqti fiican yaan isla soo qaadanay’ sidaasi waxaa saxaafada u sheegay garsoore hore oo heer caalmi iminkana ah madaxa xafiiska horumarinta garsrooska kubada cagta Soomaaliyeed Cabdi cabdulle Axmed Baasaale.

Buuga tacsida ayaa laga furay xarunta xiriirka oo tan iyo saaka waabarigii ay saxiixeen boqolaal ruux oo isugu jira masuuliyiinta xiriirka, cayaartoy taageerayaal iyo garsooreyaal si ay u gudbiyaan tacsidooda.

 Somali Football Federation Media Department

+2521 235047 Office.

+25250 930226 Office

+2521600601    Fax

 

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment