CECAFA oo ku baaqday Olole lagu gargaarayo Soomaaliya

Thursday August 11, 2011 - 19:50:46
0 Comments
2184
Shaafici Muxyidiin
Ururka kubada cagta dalalka bariga iyo bartamaha Afrika ee CECAFA ayaa maanta oo khamiis ah ku baaqay in hey’adaha isboortiga caalamku ay qaadaan Olole balaaran oo looga hortagayo musiibo bini’aadanimo oo ka dhacda dalka Soomaaliya oo dhibaatooyin abaareed oo xoogani ay ka jiraan xubin buuxdana ka ah ururka CECAFA.

 
“Waxaan fursadan kaga faa’iideysanayaa in aan u mahad celiyo ururka kubada cagta aduunka ee FIFA taageerada bini’aadanimo ee uu siinayo dalka Soomaaliya oo xubin ka ah CECAFA”sidaasi waxaa yiri xoghayaha guud ee Ururka kubada cagta bariga iyo bartamaha Afrika Nicholas Musonye oo war saxaafadeed maanta uu soo saaray ay qeybisay waaxda warfaafinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.

“Aniga oo ku hdlaya magaca Ururka kubad cagta bariga iyo bartamaha AFrika ee CECAFA, waxaan ka codsanayaa hey’adaha isboorti ee caalamiga ah iyo wadamada deeqaha bixiya in ayyomaadaan oo ka qeyb qaataan howlaha bini’aadanimo ee Soomaliya oo dhibaatooyin daran oobini’adaanimo ay ka jiraan xiligan”ayuuwar saxafadeedkisia ku yiri Nicholas Musonye.

“Soomalaiya waa xubin awoiod leh oo ka trisan bahweynta CECAFA, marnana kama maqnaato bandhigada cayaareed ee CECAFA, waana xubin muhiim ah oo ka trisn agobalkan”ayuu Mr. Musonye ku yiri war saxafadeedkiisii manta.

Waxaa uu sheegay Musonye in FIFA ay kaalin weyn kulahady dadaalad abini’adanimo ee caalamka hadna uu uga mahad celinayo tabarrucaada ay siisay Soomalaiya oo dad badani ay gaajo u dhimanayaan.

“Waxan jeclaan laha ain an dalalka gobalka sidookale ugu baaqo in ay mar kasta ku dadaalaan iskaalmeynta xili  hore oo aanay jawaabohood akeenin mar dambe oomusiibooyinkiu sii baaheeyn”ayuu xoghahaha guud ee CECAFA ku yiri war saxaafadeedkiisii manta oo khamiis ah uu soosaaray lagana sii daayay xafiiska warfaaffinta xiriirka sooamaliyeed ee kubada cagta.

“Waxaan ugu dambeyntii ka codsanayaa walaaleheyga Sooamaliyeed in ay dib isu xisaabiyaan qaataana nabada iyo degenaashaha oodib u dhistaan dalkooda si mustaqbalkooda kuwo ka tashan kara ay u noqdaan”ayuu hadalkisi akusoogabagabeeyay xoghayaha guud ee CECAFA Nicholas musonye.

Somali Football Media Department

+25250 930226 Office

+2521 235047 Office

+2521 600601 Fax

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment