Keyn, Mase garoon kubadeed

Saturday June 25, 2011 - 10:02:14
0 Comments
2417
Shaafici Muxyidiin
Maahmaah Soomaaliyeed ayaa waxaa ay oraneysaa “Dadaalaa wuu gaaraa” taas macneheedu waxaa uu yahay in bini’aadamku uu sameyn karo is bedel laakin isku daygu uu yahay waxa ugu muhiimsan oo ay tahay marka hore in lagu dhaqaaqo wax kasta ka hor.


Wixii ka horeeyay bishii Janaayo ee sandkii lasoo dhaafay garoonka kubada Cagta ee sawirkiisa aad hoos kaga jeedaan uma ekeyn garoon kubadeed ee taa badalkeeda waxaa uu u muuqaal ekaa meel Keyn ah, sababtuna waxaa ay tahay wax dayac tir ah laguma sameyn, lagumana cayaarin wixii ka dambeeyay sanadku markuu ahaa 1991-kii taasina waa sababta uu keyn ugu ekaaday.

Dhibaatada aad la kulantid inta aad nooshahay, si marka loo eego waxaa aay kugu noqotaa jawi aad u cakiran oo nolosha oo dhan ka arajo beeliya, laakin dhanka kale dhibaatadaasi waxaa ay kuu noqotaa macalin dahsoon oo ku bara sidii aad u maareyn lahayd noloshaada xiliga adag gudihiisa iyo in aad ka fekerto sidii aad noloshaa adag uga guul gaari lahayd.

 

Waa taas mida bartay madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta in ay dib usoo nooleeyaan  garoonka kubada Cagta ee Jaamcamdaha oo laguna marti geliyay tartankii horyaalka heerka 1-aad ee 2010-2011 kaas oo ah tartanka ugu shacbiyada badan ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagtu uu qabto.

 

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta ayaa ku dhaqaaqay talaabadan sababtoo ah xiriirka waxaa ka go’neyd in uu tartamo qabto mana jirin wax kale oo la sameyn karay oo aan ka ahayn in dib loo dayactiro garoonkii mudada u ekaa howdka maadaama groomadii caalamiga ahaa ee dalku lahaa aanay xiligaa u diyaarsanayn in cayaaro lagu qabto dhibaatooyinka colaadeed ee dalka ka jira awgood.

 

Waxaa hakad ku yimid dhismihii ku socday garoonka stadium Banaadir  sababo la xariira dagaalada maalinleyaasha noqday ee naafeeyay deegaanka Cabdil Caziiz ee garoonku ku yaalo.

 

Sidoo kale garoonka stadium Mogadishu oo bari ahaan jirayt garoonka ugu weyn uguna quruxda badan Africa iyo dunida Carabta waxaa uu isu badalay xero ciidan taasoo aan suuragal ka dhigeyn in tartamo lagu abaabulo.

 

Ma jirin cid u maleyneysay in garoonka kuliyada siyaasada uu dib ugu noqon karo sidii uu bari ahaan jiray laakin taasi way dhacday sababtuna waxaa ay tahay fikirka saliimka ah ee madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagtu hindiseen kaas oo suurageliyay in garoonku dib u helo muuqaalkii garoon kubadeed uu laan jiray.

 

“Waxaan ku dhashay xaafadan sanadkii 1997-kii, waligeyna uma heysan in halkan garoon kubadeed uu ku yaalo—dhowr jeer ayaan arkay xoolo daaqaya, waxaana u heystay in uu ahaa dhuld-aaqsimeed “sidaasi waxaa yiri Munasar Shariif oo dagan xaafada Garoonka Jamacaduhu uu ku yaalo.

 

Waxaa uu wiilkan yari u mahadceliyay madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta oo uu sheegay in isaga iyo dhalinyarada xaafada oo dhan ay siiyeen fursad ay ku helaan garoon ay ku cayaaraan jimcaha iyo maalmaha iskuulku fasaxa yahay oo dhan.


FG:
Sawirada hoose waxaa ay muujinayaan garoonka oo keyn ah ka hor intii aan dayactirka lagu bilaabin dabayaaqadii bishii December ee sanadkii 2009. Sawirada qaar kale oo ka mida waxaa ay muujinayaan baldoosarro shaqo ka haya garoonka halka sawirka kalana uu muujnayo gudoomiyaha xiriirka Saciid Maxamuud Nuur oo war bixin ka dhageysanaya injineerkii howsha dayactirka waday mar uu kormeerayay habkii shaqadu u socotay 28-kii December 2009-kii.






Somali Football Media Department

+25250 930226 Office

+2521 600601 Fax

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment