Guuldarradii labaad muddo todobaad ah oo wiiqaday rajadii Elman

Wednesday April 13, 2011 - 19:55:57
0 Comments
2775
Shaafici Muxyidiin
Kooxda Kubada caghta ee Elaman oo ka mida kooxaha waaweyn ee dalka soomaaliya ayaa galabta waxaa ay si lama filaan ah ula kulantay guul darardii labaad oo soo gaarta mudo ka yar todobaad kadib markii kooxda Horseed ay uga adkaatay 2-1.


Jabkan lama filaanka ah ee soo gaaray Elman  ayaa imaanaya iyadoo maalintiij jimcihiina kooxda Heegan ay 2-0 ugasoo adkaatay Elman waxaana guul daradii maanta ay Elman u ahayd tii 3-aad tan iyo intii tartanku bilaabmay 21-kiiJaanyo ee sanadkan.

Waxaa dadka cayaaraha indha indheeya ay guul dararii galabta Elman loo saariyay ku tilmaameen wax la mid ah yasmo marka loo eego kooxda aadka u hooseysa ee ka adkaatay.

Maanta Kooxda Elman waxaa ay dooneysay in ay badiso oo tartankana ku hogaamiso 4 dhibcood laakin taasi ma dhicin waxaana taa badalkeeda Elman dhulka loo dhigay dhabarka.

Daqiiqadii 13-aad ee qeybta hore ee cayaarta ayaa cayaaryayah Cabdi Joon oo ah ninka ugu da’da weyn tartanka oo dhan waxaa uu Elman ka dhaliyay Gool rigoore ah.

Cayaartoyda Elman waxaa ay sameeyeen isku day weyn waxaana ay weeraro is daba joog ah ku qaadeen goolka Horseed, taas oo u suura gelisay in cayaaryahankooda la yiraahdo Sacad Saalax xuseen uu u dhaliyo goolka qura daqiiqadii 36-aad ee qeybta hore taas oo xoogaa soo nooleysay rajadii ay ka qabeen in ay guleystaan.

Laakin markii cayaarta ay ka dhimaneyd 3 daqiiqao oo qura kuna beegneyd daqiiqaadii 87-aad ayaa cayaaryahanka kooxda horseed uga dheela dhanka weerarka laguna tilmaamo in uu yahay ninka tartakna oo dhan ugu da’da yar Cabdul Qaadir Muxuyadiin waxaa uu gool qurux badan dhex dhigay shaqbaqa kooxda Elman waxaana cayaaii ay ku dhamaatay 2-1 ay guushu ku raacday Horseed.

Marka la eego jadwalka tartanka oo ku eg 26-ka bishan waxaa  Elman u dhiman laba cayaarood oo ay la kala yeelaneyso dekedaha 18-ka bishan iyo Banaadir Telecom 21-ka Bishan.

Elman oo mar tartankan hogaanka ugu qabatay 7 dhibcood ayaa hada ku hogaamineysa hal dhibic oo keliya waxaana kusoo xiga kooxda SITT Daalo oo leh 26 dhibcood halka Banaadir Telecom oo horyaalka difaacaneysa ay leedahay 23 dhibcood, waxaana sadexdan kooxood mid waliba u dhiman 2 cayaarood oo keliya.

Xiriirka kubada cagta bariga iyo Bartamaha Afrika ee CECAFA ayaa shalay war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in tartaka kooxaha horyaalada uu ka furmayo dalka Sudan 21-ka bisha June ee sanadkan waxaana 30-ka bishan aanu ku jirno xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed laga sugayaa in uu CECAFA u gudbiyo kooxda tartakas ku matali doonta Soomaaliya oo ah kooxda ku guuleysata horyaalka heerka 1-aad ee kubada cagta dalka Soomaaliya oohada ay heysato Banaadir Telecom.

NB: Sawirka kore waa Horseed oo maanta cayaartii dhacday ku guuleysatay.

By Cabdi Xafiid Cabdi Samad Zaciimka

 

Somali Football Media Department

+25250 930226 Office

+2521 600601 Fax

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment