Elman oo 5-1 kaga taqalustay Dekedda

Monday February 28, 2011 - 22:12:11
0 Comments
2730
Shaafici Muxyidiin
Elman oo ah koox awood leh oo ka cayaarta horyaalka heerka 1-aad ee dalka Soomaaliya ayaa galabta 5-1 ku dar dartay kooxda Dekedda oo guul-darada ay la kulantay ay ahayd tii ugu xumeyd ee la arko tan iyo intii tartanku dib u bilaabmay 21-kii bishii Janaayo ee sanadkan.


Qiyaastii 15 daqiiqadood ka hor dhamaadkii qeybta hore ee cayaarta ayaa weeraryahanka kooxda Elman iyo xulka qaranka Cabdi Caziiz Maxamed Cali “Hoomey” waxaa uu madaxa ku dhaliyay kubad uu soo laday cayaaryahanka lagu magacaabo Cabdullaahi Yuusuf Cusmaan, waxaana qeybtii hore ee cayaartu ay  kusoo dhamaatay 1-0 ay Elman ku hogaamineysay.

 

Daqiiqadii 58-aad ee cayaarta ayaa Elman ay heshay Goolkii 2-aad kadib markii Cayaaryahan Sacad Saalax Xuseen uu kubad dhex dhigay Shabaqa dekedda, halka Cabdi Caziiz Hoomey uu goolkii 3-aad kooxdiisa u saxiixay daqiiqadii 65-aad ee cayaarta qeybteedii dambe.

 

Weeraryahan Cabdi Caziiz ayaa hada hogaaminaya tartanka gool dhalinta isagoo leh 9 gool. “Waxaan aad ugu rajo weynahay in aan noqodo gool dhaliyaha koobaad ee tartanka horyaalka”ayuu saxaafada u sheegay Hoomey.

 

Cayaaryahanada kala ah Sacad Saalax iyo Xasan Cali Rooble ayaa goolashii 4-aad iyo 5-aad u dhaliyay kooxda Elman daqiiqadihii 79-aad iyo 88-aad, laakin Cabdi Caziiz Xasan Ali oo naadiga Dekedda ka tirsan ayaa goolka keliya u saxiixay kooxdiisa daqiiqadii 89-aad ee cayaarta oo kunasoo dhamaatay 5-1 ay guushu ku raacday Elman 90-kii daqiiqadood ee loogu tala galay.

 

“Guushani waa mid aniga iyo wiilasheyduba aan fileynay xitaa ka hor intii aanay cayaartu bilaaban”sidaasi waxaa markii cayaartu dhamaatay kadib saxaafada u sheegay macalinka kooxda Elman Yuusuf Cali Nuur.

 

Cayaartii galabta ayaa soo jiidatay dad weyne aad u fara badan iyo sidoo kale madax ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha GOS Aadan Xaaji Yabarow, Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta Saciid Maxamuud Nuur, ku xigeenadiisa Cali Saciid Guuleed Rooble iyo Cabdullaahi Abow Xuseen iyo sidoo kale cayaaryahan hore oo kubada Koleyga haatana ah la taliyaha ra’isul  wasaaraha Soomaaliya Cabdi Qani  Cabdullaahi Hilowle “Jeenyo” oo ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu fir fircoon bahda isboortiga Soomaaliyeed ee qurba joogta ah.


Cayaartii galabta ayaa waxaa garsoore ka ahaa Mukhtaar Macalin Yuusuf oo ay kaalayeen Maxamed Xasan Fiidow iyo Qaasim Sheekh Maxamuud halka uu sarkaalka 4-aadna ahaa Suleymaan Sheekh Bashiir iyadoo uu xeer ilaaliye ka ahaa Aweys Axmed Jimcale.

 

Intii cayaartu socotay ayaa la bixiyay ganaaxyadan.

ELMAN

 

 

Name

Number

Date

Minute

Caution

Mohamed Abokar Dere

4

Feb 28

22nd

Yellow

 

Mogadishu Port

 

Name

Number

Date

Minute

Caution

Abdi Naser Abdullahi Abdi

3

Feb 28

52nd 

Yellow

 

FG: Si aad u daawato sawirada cayaartii galabta fadlan guji linkiga hoose ee qeybta English-ka ee webka

 

http://somsoccer.com/english/view.php?id=361

 

Somali Football Media Department

+25250 930226   Office

+2521 600601   Fax

 

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment