Banaadir oo dekedaha kaga adkaatay 1-0

Saturday February 19, 2011 - 11:28:08
0 Comments
5670
Shaafici Muxyidiin
Kooxda Banaadir Telecom ayaa u muuqata in ay kasoo kabsaneyso dhaawacyadii horay u gaaray kadib markii ay heshay guushii labaad oo ay ka gaarto tartanka horyaalkka heerka 1-aad ee dalka Soomaaliya shalay jimcihii.


Kooxda Banaadir ayaa 1-0 kaga adkaatay kooxda Dekedda Muqdisho cayaar  ay ku yeesheen garoonka Jaamacadaha ee magaalada Muqdiosho oo tartanka horyaalku uu dhawaanahanba ka soconayay.

Weeraryahanka lagu magacaabo Daadir Amiin Cali ayaa goolka keliya u dhaliyay kooxda Banaadir daqiiqadii 12-aad ee qeybta hore ee cayaarta. Daqiiqadihii hore ee qeybta dambe labada kooxoodba waxaa ay bilaabeen weeraro is daba joog ah oo mid waliba ku qaadeysay goolka kasoo hor jeeda laakin midna xiligaa kadib kuma guuleysan in ay goolka kale gaarto waxaana ay cayaartu ku dhamaatay 1-0 ay guushu ku raacday Banaadir Telecom.

Inkastoo Banaadir ay caqabado badan la kulantay maalimihii hore ee tartanka hadana waa kooxda difaacaneysa horyaalka iminka loo tartamnayo.

Cayaarta ayaa waxaa dhex dhexaadinayay garsoore heer caalami Nuur Maxamed Cabdulle oo ay kaalayeen Cusmaan Cabdi Cusmaan iyo Qaasim Sheekh Maxamuud halka garsooraha afaraadna uu ahaa Suleyman Sheekh bashiir iyadoo xeer ilaaliyana uu ka ahaa Cusmaan Jaamac Diraac.

Intii cayaartu socotay waxaa la bixiyay ganaaxyada hoos ku cad.

Banaadir Telecom

 

 

Name

Number

Date

Minute

Caution

Abdullaahi Abdirahman Jama

16

Feb 18

4th

Yellow

Mustaf Muktar Ali

9

Feb 18

80th

Yellow

 

Dekedda ‘Mogadishu port’

Name

Number

Date

Minute

Caution

Salahudin Ahmed Yaqub

4

Feb 18

68th

Yellow

 

Somali Football Media Department

+25250 930226 Office

+2521 600601 fax

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment