Elman oo 4-0- ku kala jebisay Heegan

Thursday February 17, 2011 - 20:13:54
0 Comments
2684
Shaafici Muxyidiin
Kooxda Kubada Cagta Elman ayaa 12 dhibcood hogaanka ugu qabatay horyaalka heerka 1-aad ee kubada cagta dalka Soomaaliya kadib markii ay galabta 4-0 ku kala jebisay Kooxda Heegan cayaar aad u adkeyd oo ka dhacday garoonka Jaamacada ee magaalada Muqdisho.


Cayaartan ayaa lagu tilmaamay tii ugu adkeyd tan iyo intii tartanku dib uga bilaabmay magaalada Muqdisho 21-kii Janaayo. Guul darradan dhabarka loo saariyay kooxda Heegan ayaa iyana ahayd tii ugu xumeyd ee soo wajahda koox sideeda oo kale awood ku leh horyaalka heerka 1-aad ee dalka Soomaaliya.

Qeybta hore ee cayaartu waxaa ay ku dhamaatay 0-0 laakin weeraryahaknka kooxda Elman iyo xulka qarankaba Cabdi Caziz Maxamed Cali ayaa goolkii ugu horeeyay u dhaliyay kooxdiisa daqiiqadii 50-aad ee qeybta dambe. Markaa kadib wiilasha Heegan waxaa ay isku dayeen in ay goolka iskasoo gudaan laakin dadaalkoodii waxaa uu ku dhamaaday hal bacaad lagu lisay kadib markii goolkii labaad dhabarka loo saariyay kaas oo uu dhaliyay  cayaaryahanka lagu magacaabo Amiin Rufaaci Axmed waxaana uu cayaarta ka dhigay 2-0 lix daqiiqadood uun kadib markii goolka hore  dhashay taas oo ku beegneyd daqiiqadii 56-aad.

 

Cayaartoyda Elman waxaa ay goolka Heegan ku qaadeen weeraro is daba joog ah, waxaana daqiiqadii 66-aad ay heleen goolkii sadexaad kaas oo uu u dhaliyay cayaaryahanka lagu magacaabo Cabdullaahi Yuusuf Cusmaan, halka goolkii 4-aad uu mar kale dhaliyay weeraryahan Cabdi Caziiz Maxamed Cali daqiiqadii 83-aad ee qeybta dambe ee cayaarta waxaana ay ugu dambeyntii cayaartaasi kusoo idlaatay 4-0 ay guushu ku raacday Elman.

 

weeraryahan Cabdi Caziiz Maxamed Cali waxaa uu iminka tartanka gool dhalinta ku hogaaminayaa 6 gool waxaana soo ceyrsanaya Cabdul Qaadir Muxuyadiin oo ka tirsan kooxda Horseed ee ciidanka xooga dalka raacsan waxaana uu leeyahay 5 gool.

 

Sida uu sheegay xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab cayaaryahankii ku guuleysta tartanka gool dhalinta ayaa  la siin doonaa lacag iyo abaalmrino kale oo qaali ah.

 

Saacado ka hor intii aanay bilaaban cayaartii maanta ayaa ciidamo farabadan oo boolis ah lasoo dhoobay gudaha iyo daafaha garoonka si looga hortago qalalaasooyin in ay dhacaan maadaama tiradii ugu badneyd oo daawadayaal ah ay garoonka soo buux dhaafiyeen bilowgii cayaarta wax badan ka hor.

 

Cayaartii galabta oo muddo la sugayay ayaa waxaa daawashadeeda kasoo qeyb galay dadweyne lagu qiyaasay 40- kun oo ruux taas oo ahayd tiradii ugu badneyd ee cayaar ku daawata dalka Soomaaliya muddo dhowr sanadood ah oo lasoo dhaafay.

 

Cayaarta ayaa waxaa daawashadeeda kasoo qeyb galay madax farabadan oo ay ka mid ahaayeen guddoomiyaha GOS Aadan Xaaji Yabarow (Wiish) guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Saciid Maxamuud Nur, ku xigeenadiisa Cali Saciid Guuleed iyo Cabdullaahi Abow Xuseen, ku simaha xoghayaha guud ee xiriirka Abuukar Islow Xasan iyo sidoo kale agaasimaha guud ee wasaarada dhalinyarada iyo Isboortiga Soomaaliya.

 

Intii ay socotay cayaartii galabta ayaa 5 cayaaryahan oo labada kooxood ka kala tirsan waxaa la siiyay ganaaxyada hoos ku cad.

 

ELMAN

 

Name

Number

Date

Minute

Cautions

Amin Rufa’i Ahmed

7

Feb 17

14th

Yellow

Sa’ad Salah Hussein

17

Feb 17

32nd

Yellow

Yasin Ali Egal

5

Feb 17

61st

Yellow

 

HEEGAN

 

Name

Number

Date

Minute

Cautions

Abdi Naser Ali Sheik

8

Feb 17

60th

Yellow

Ahmed Abdulkadir Dayeb

3

Feb 17

65th

Yellow

 

Somali Football Media Department

 

 +25250 930226 Office

 

+252699 969815 Cell

 

+2521 600601 Fax

 

 Email:somalifootballmedia@gmail.com

 



Leave a comment