Elman oo 4-1 kaga adkaatay Supper Shell

Tuesday February 01, 2011 - 22:08:35
0 Comments
2950
Shaafici Muxyidiin
Naadiga kubada cagta Elman oo ah naadi awood badan oo ka cayaara horyaalka heerka 1-aad ee dalka Soomaaliya ayaa galabta oo Salaaso ah waxaa uu 4-1 ugu awood sheegtay naadiga kale ee Supper Shell oo inkastoo laga badiyay hadana wacdare muujiyay marka loo eego habka ay ula dagaalameen Elman.


Elman waxaa ay u dabaal dageen goolkoodii ugu horeeyay markii weeraryahanka caanka Ah Cabdi Casiis Maxamed Cali (Hoomey) uu shabaqa kooxda kale gool ku hubsaday daqiiqadii 25-aad ee qeybta hore ee cayaarta. Isla cayaaryahankani waxaa uu goolkii labaad u dhaliyay kooxdiisa daqiiaadii 26-aad.

Laakin weeraryahanka Supper Shell Khaalid Axmed Cusmaan ayaa goolka keliya u dhaliyay kooxdiisa daqiiqadii 34-aad ee qeybta hore oo ahayd 11 daqiiqo kaliya ka hor inta aanay qeybta hore dhamaan, hase ahaatee 5 daqiiqo kadib oo ku beegneyd daqiiqadii 39-aad ayaa cayaaryahanka la yiraahdo Cabdullaahi Maxamed Cusmaan uu kooxda Elman u saxiixay goolkii sadexaad waxaana uu cayaarta ka dhigay 3-1 oo qeybta horena ay kusoo gaba-gabowday iyadoo ay Elman hogaamineysay.

Markii qeybta dambe la isugu soo laabtay labada kooxood waxaa ay sii laba jibaareen wererarka ay mid waliba ku qaadeysay goolka kasoo hor jeeda, laakin wiilasha Supper Shell kuma guuleysan in ay halka gool kasoo kobcaan, iyadoo kooxda Elman uu goolkii 4-aad u dhaliyay isla cayaaryahan Cabdi Casiis Maxamed Cali oo kana mid ah weeraryahanada xulka qaranka cayaartiina waxaa ay kusoo idlaatay 4-1 ay guushu ku raacday Elman.

Cayaarta ayaa daawashadeeda waxaa kasooqeyb galay masuuliyiin sar sare oo ay ka mid ahaayeen guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Saciid Maxamuud Nuur iyo xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab.

Sida ku cad jadwalka tartanka barri oo Arboco ah waa la nasanayaa, waxaana maalinta Khamiista ah kulmi doona naadiyada SITT iyo Dekedaha.

Cayaartii maanta ayaa waxaa calaamada digniinta ah ee Jaalaha loo yaqaano ku qaatay hal cayaaryahan oo ka mid ah naadiga Supper Shell sida shaxda hoose ku muuqata.

SUPPER SHELL

Name

Number

Date

Time

Caution

Hassan Mohamed Hadi

6

01 Feb

30th minute

Yellow

 

Somali Football Media Department

+25250 930226 Telephone office

+252699 969815 Cell

+2521 600601 Fax

Email:somalifootballmediadepartment

NB: Sawirrada cayaartan waxaad ka daalacan kartaan qeybta English-ka ee http://www.somsoccer.com/ ama guji linkigan hoose.

http://somsoccer.com/english/view.php?id=339



Leave a comment