Elman oo 1-0 kaga badisay Savana

Monday January 24, 2011 - 18:50:58
0 Comments
3871
Shaafici Muxyidiin
Iyadoo garoonka kuliyada siyaasada ee magaalada Muqdisho uu si xiisa leh uga soconayo tartanka horyaalka kubada cagta dalka Soomaaliya ee kooxaha heerka 1-aad xili cayaareedka 2010-2011 ayaa nadiga Elman waxaa uugalabta cayaar adag la yeelatay naadiga Savana.

Cayaartan oo aad u adkeyd kumanaan ruuxna ay usoo daawasho tageen ayaa waxaa ay kusoo idlaatay 1-0 ay guushu ku raacday naadiga Elman oo ka mida naadiyada ugu awooda badan dalka Soomaaliya.

 

Labada dhinac waxaa ay soo bandhigeen cayaar farsamadeedu sareysay waxaana ay isku qaadayeen weerar iyo weerar celis, iyadoo qeybtii hore ee cayaartana lagu kala nastay 0-0.

 

Laakin markii qeybta dambe la iskusoo laabtay ayaa daqiiqadii 62-aad Naadiga elman uu helay goolka guusha waxaana u saxiisay cayaaryahanka numberka 13-aad uga cayaara ee la yiraahdo Qaasim Siidow Xasan.(Baaruud).

 

Waxaa cayaarta garsoore ka ahaa Maxamed Xasan Fiidow,halka calan wadayaalna ay ka ahaayeen Muqtaar Macalin Yuusuf iyo Cabdiraxmaan Cabdi Cumar iyadoo sarkaalka 4-aadna uu ahaa Nuur jeesto. Waxaa cayaarta xeer ilaaliye ka ahaa Salaad Cusmaan Maxamed.

 

Intii cayaartani socotay ayaa laba cayaaryahan oo ka kala tirsan labada kooxood waxaa la siiyay ganaaxyada hoos ku cad.

Club:ELMAN

 

Name

 Number                             

Date                        

 Time                 

Caution          

Ali Salad Awale

10

Jan 24

38th minute

Yellow

 

                                     
                                 
Club: SVANA
 

Name

Number

Date

Time

Caution

Jibril Ahmed Muse

20

Jan 24

85thminute

Yellow

 

Cayaarta 3-aad ee horyaalka ayaa waxaa ay maalinta Salaasada ah dhex mari doontaa naadiyada kala ah SITT VS Horseed.

 

 Somali Football Press Officer

+25250 930226 Telephone Office

+252699 969815 Cell

+2521 600601 Fax

Emails:somalifootballmedia@gmail.com

Leave a comment